Nuxurka Kulan Beerta Xoriyada ku dhex maray Maamulka D/Hoose iyo Bulshada

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/01/363.jpg”>Hargeysa (DHH)- Duqa Caasimadda Hargaysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa maanta fagaaraha Beerta Xorriyadda kala hadlay ururada Bulshada iyo Gudiyada degmooyinka Caasimadda.Kulankaasi waxa goob joog ka ahaa Maayar ku xigeenka iyo Agaasimeyaasha waaxaha ee dawlada Hoose ee Hargeysa.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd xog waran ku saabsan gudbinta baahiyaha adeeg ee degmooyinka ka jira, halka sidoo kalena lagaga hadlayay waxqabadkii sanadkii Hore ee 2011 u qabsoomay dawlada Hoose ee Hargeysa.

Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo hadal dheer ka jeediyey fagaarahaasi ayaa ka waramay waxqabadkii sanadkii 2011, isagoo faahfaahiyey xadiga wadooyinka laamiyada ah ee laga hirgeliyey caasimada, isla markaana ay wax ka qabteen adeegyada caafimaadka, saldhigyo Boolis iyo sariibado kala duwan oo ay soo kordhiyeen kal-hore.
Maayarka Caasimada Hargeysa waxa uu balan qaaday inay sanadkan awooda saari doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen khashinka iyo bilicda guud ee magaalada, waxaanu xusay inay soo dhawaynayaan go’aamada iyo tallooyinka ay soo saaraan Guddida bilicda caasimada ee Madaxweyne Siilaanyo dhawaan magacaabay kuwaasi oo uu xusay inay hawshoodii bilaabeen.

Dhinaca kale, Xubno ka mid ah Gudiyada bulshada qaybaha caasimadda ayaa iyaguna maanta ka hadlay fagaarahaasi kuwaasoo ku amaanay dawlada hoose waxqabadkii sanadkii tegay ee 2011, waxaanay sheegeen inay dawlada Hoose sanadihii la soo dhaafay ay kor u qaadeen wadooyinka shanta degmo ee caasimada Hargeysi ka kooban tahay.
Waxa kale oo ay xubnaha u hadlayay Guddiyada bulshadu ay Maayarka iyo maamulka dawlada Hoose u soo jeediyeen tallooyin ku wajahan sidii kor loogu sii qaadi lahaa adeegyada ay caasimada u hayaan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com