Badhasaabka Sanaag oo ka hadlay Talaabooyin uu ka qaadayo iskuduweyaal uu ka waayay xafiisyadoodii

Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Badhasaabka gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geel-jire) ayaa sheegay inuu tallaabo adag ka qaadi doono qaar ka mid ah iskuduweyaal iyo masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolkaasi oo uu ka waayay xafiisyadoodii kormeer shaqo oo uu saaka ku soo maray xarumaha dawlada.

Badhasaabka cusubi wuxuu kormeer ku soo maray xarumaha laamaha dawlada ee gobolka Sanaag waxaana meelihii uu booqday ka mid ahaa wasaaradaha maaliyada, Baanka, Maxkamadaha, cisbitaalka guud iyo wasaarada waxbarashada.

Kormeerkan ayaa gudoomiyihu ugu kuur gelayey habsami u socodka hawlaha shaqo ee hayadaha laamaha dawlada iyo ilaalinta saacadaha shaqada.

Badhasaabka oo kormeerkiisa bilaabay abaara 8:00 subaxnimo ayaa uu booqday ay badankooda albaabadu u xidhnaayeen oo aanay ka soo xaadirin masuuliyiinta qaarkood, marka laga reebo xafiiska maxkamada rafcaanka, oo Badhasaabka maxkamada rafcaanka iyo shaqaalihiisuba ay shaqada ku guda jireen, waxaana meelaha xidhnaa ka mid ahaa baanka, cisbitaalka guud, xafiiska maxkamadaha gobolka, degmada iyo xeer-ilaalinta oo aanay masuuliyiintoodu ka soo xaadirin.

Waxa uu Badhasaabku Cisbitaalka Guud kula kulmay hawl wadeeno ajanabi ah oo ka shaqeynayay iyadoo ay maqnaayeen masuuliyiintii caafimaadku.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Cigaal Diiriye,oo kormeerkaas ka dib la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inuu Talaabo ka qaadi doono masuuliyiinta ka soo bixi waaya xilkooda isla markaana aan iska xil saarin ilaalinta saacadaha shaqada.

Kormeerkan Badhasaabka ayaa ka danbeeyey kadib markii uu kulankiisii ugu horeeyey ee uu xiilka kula wareegay uu kulan kula qaatay masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolka oo uu ku wargeliey dhawrida iyo ilaalinta saacadaha shaqada qaranka.kormeerkan Guddoomiyaha ayaa dadweynuhu ku sifeeyeen talaabo wax ku ool ah oo gudoomiyihu qaaday

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com