Urur-siyaasadeedka WADANI oo Tartan Kubadda Cagta ah ka furay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Urur Siyaasadeedka WADANI ayaa shalay Magaalada Hargeysa ka furay Koob kubada Cagta ah oo ay ku Tartami doonaan 16 kooxood ka mida Kooxaha Caasimada.

Tartan Kubada Cagta ah ee uu Maagliyey Ururka WADANI ayaa waxa uu ka qabsoomay Garoonka kubada Cagta ee Degmada Maxamuud Haybe, iyada oo uu furay tarnakaasi Xildhibaan Ibraahim Buubaa, furitaankii koobkaasi ayaa waxa ka hadlay Xubno ka tirsan Hogaanka ururka Wadani, Xidhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Marti sharaf kale.

Munaasibad kooban oo loo qabtay Furitaanka tartankaasi ayaa waxa ka hadlay Xidhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada isla markaana ka mid ah Aasaasayaasha ururka Wadani waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ waxanu maanta halkan ka furaynaa Tartan Isboori oo uu maalgalinayo Urur siyaasaeedka Wadani oo u taagan gacansiinta dhalinyarada, waxa aanu hambalyo u diraynaa cid kasta oo ku hawlan gacansiinta dhalinyarada, dhamaan kooxaha tartankani ka soo qayb galaya waxaan ugu baaqayaa inay soo bandhigaan Ciyaaro wanaagsan oo saaxiitimo leh.” Ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.

Waxa kale oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay Maxamed Xasan Dirir oo ka mid Masuulyiinta ururka Wadani waxa uu sharaxaad ka bixiyey ujeeeada ay tartankani u qabteen waxa uu yidhi “ anagu ka Urur ahaan waxanu tartan kan u qabanay si dhalinyara looga badbaadiyo khataraha ay leeyihiin balwada iyo tahriibku, isla markaana loogu sameeyo wax ay ka maararoobaan oo ay Jidh ahaan iyo maskax ahaanba ku nastaan, waxa aaanu ka Wadani ahaan mar walba garab taaganahay Dhalinyarada oo aanu ku baraarug sanahay kaalinta ay bulshada kaga jiraan, waxana aanu jecelnahay in aanu wax badan la qabano dhalinyarada.”

Md. Dirir ayaa waxa kale oo uu intaasi ku daray “ ka urur ahaan Aad baanu ugu faraxsanahay in aanu noqono ururkii ugu horeeyey ee hir galiya barnaajim kani oo kale ah, waxa aanu rajaynaynaa inuu tartani u qabsoomo sida ugu haboon.” Ayuu yidhi Maxmed Xasan Dirir.

Gabagabdii Munaasibadasina waxa ka hadlay Gudoomiyaha Gudida Isbootiga ee degmada Maxamuud Haybe Mr. Asad Ismaacil Aadan waxana uu yidhi “ waxaan aad ugu mahad naqayaa ururka Wadani oo higaliyey tartani oo ah mid ay ka soo qayb galayaan 16 kooxaad oo u qaybsan afar Group, waxa uu tartanka ciyaartiisuu ugu horaysay maanta ka dhacayaa Garoonkani Maxamuud Haybe, ururka Wadani waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee hir galina halw tani oo kale ah isala markaana ka dhalinyaro ahaan na garab istaaga, aad ayaan ugu mahadnayanaa ururka iyo madaxdiisaba .” Ayuu yidhi Mr. Asad.

Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com