Xukuumadda Somaliland Iyo Arrimihii u weynaa ee fulay sanadkan sii galbanaya ee 2011-ka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland waxa sanadkan sii galbanaya ee 2011-ka ay fulisay waxqabad balaadhan, waxaanay ka dhabaysay balan qaadyado badan oo ka mid ahaa waxyaabihii xisbiga KULMIYE uu ummadda fagaareyaasha uga balan qaadi jiray ee la xidhiidhay horumarinta, waxbarashada, siyaasadda dibadda iyo arrimo badan oo kale.

Dhacdooyinkii iyo waxyaabihii 12-kii bilood ee la soo dhaafay u qabsoomay xukuumadda Somaliland waxa warbixintan inooga diyaariyay Weriye Cumar Maxamed Faarax, oo ka tirsan shabakada wararka ee Somaliland.Org, Waxaanay u dhignayd sidan:-“Sanadkan sii galbanaya ee 2011-ka waxa xukuumadda Somaliland u hirgalay arrimo badan oo ka mid ahaa himilooyinkii, Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo balan qaadkii qoraalka ahaa ee xisbiga talladda dalka haya uu ku galay olalihii doorashadii wadanka ka qabsoontay 26-kii bishii June 2010-kii oo murashixiintii xisbiga KULMIYE ay cod aqlabiyad ah kaga guulaysteen labadii xisbi ee UDUB iyo UCID.

Xukuumadan oo awooda kula wareegtay qasnado madhan iyo dayn aan xad lahayn oo ay ka tagtay xukuumadii Rayaale, haddana waxay beerka u dhigatay inay ka talaabsato caqabadihii ay xafiiska ugu yimaadeen intoodii badnaa waxaanay sanad iyo badhkii ay jirtay waxa u qabsoomay arrimo waaweyn oo xukuumadihii ka horeeyay ugu qabsoomi waayay sideed sanadood iyo wax ka badan .Dadweynaha Somaliland waxa si weyn u soo jiitay go’aankii xukuumaddu ay waxbarashada Dugsiyada Hoose/dhexe ay bilaashka kaga dhigtay taasi oo kor u qaaday in tirada caruurta wax barta ee hore u tahli waayay inay daboolaan lacagta waxbarashada caruurta.

Talabaabadani waxay Somaliland ka dhigtay mid tusaale ugu noqon karto wadammadda darisyadda,waxaanay arrintan ku bogaadiyay machady o caalamiya oo daneeya tisqaadka tacliinta.
Sidaasi si la mid ah waxay qaadatay tallaabooyin gunti isku giijis ah waxaanay shaqaalihii dawladda iyo Ciidamaddi qalabka sida ay u kordhisay mushaharkii 100%, taasi oo u hirgashay sidii loo qorsheeyay. Waxaana mushahar kordhintaas ay saameyn togan ku yeelatay kumanaan qoys oo nolashoodu ku tiirsanayd mushaharka dawladda, kuwaasi oo si weyn ugu diirsaday.waxa dawlada Axmed Siilaanyo horumar ka samaysay sidii kor loogu qaadi lahaa dakhiliga cashuuraha dalka ka soo baxa, waxaanay gaadhsiisay miisaaniyadii 78%. Waxaana sanadka fooda inagu soo hayana laga dhawrayaa inay badka keento miisaaniyadii ugu badnayd ee dalku yeesho.

Sanadkan waxay xukuumaddani ka jawaabtay qodob sanado badan ay ku fashilmeen dawladii Rayaalle, waxaanay dawlada Axmed Siilaanyo ay bedeshay lacagtii giimbaarta Burco oo dhabar jab ku ahayd dhaqaalaha dalka isla markaana aan u wanaagsanayn sumcadda qaranimadda.

Waxa kale oo Sanadkan ay xukuumaddu ay laashay heshiiskii ay diideen Golaha wakiiladda ee shirkada Total kootada ku haysatay soo waaridida shiidaalka iyo maamulka haamaha shiidaalka Beberaba, waxay arrintaasi ahayd mid ku timid sida ay ugu dhiiran tahay xukuumaddu inay suuliso heshiiyadii sharci darradda ahaa. Waxa Madaxweynuhu uu shacbigiisa gacmahooda dib ugu soo celiyay inay fursad u helaan siyaasadda, waxaanu soo saaray go’aan taariikhi ah oo uu ku furay ururadda siyaasadda, waxaana si sharci ah isu diiwaan geliyay 15 urur siyaasadeed oo ka gudbay wareegii hore ee diiwaan gelinta, kuwaasi qaadanaya shahaadada diiwaan gelinta.

Ururadda siyaasada ee la furay waxa bilowgii liqi kari waayay sadexdii xisbi qaran oo uu ku jiro xisbiga tallada haya, ururadda la furay waxay xamaasad gelisay xarakaadka miidaanka siyaasadda. Waxa kale oo madaxweynaha iyo Goleyaasha sharci dejinta oo is garabsanayaa ay tirtireen qodobkii ka hortaagnaa dhalinyarada inay ka qeyb galaan tallada dalkooda, waxaanay hoos loo dhigay da’da dhalinyaradu iskugu soo sharixi karto doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda oo laga dhigay 25 sano jir, halkii ay ka ahaan jirtay 35 iyo wixii ka sii weyn.

Waxa dalka laga saaray dadkii ajanabiga ahaa ee sifaha sharci darrada ah ku joogay dalka, kuwaasi oo u badnaa qowmiyada oromadda ee dalka Itoobiya, kuwaasi oo culays dhaqan dhaqaale iyo caafimaad ku hayay bulshada. waxa kale oo ay xukuumaddu ku lifaaqday go’aankaasi qaraar kale oo ay ku mamnuucday inay dadka ajanabiga ahi ay ka shaqeeyaan shaqooyinka ay muwaadiniintu qaban karaan, taasina waxay qeyb ka tahay qorshaha shaqo abuurka ah ee lagu dhimayo heerka shaqo la’aanta dalka ka jirta.
Xukuumaddu waxay abuurtay qorshe shan sanadoodle ah oo ay u samaysay wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawladda, waxaana ay gacanta ku haysaa qorsheyaal ay doonayso inay kula xisaabtanto Ha’yadaha caalamiga ah ee la soo mariyo deeqaha loogu tallo galay Somaliland.

Isbedelka ugu badani waxay ku samaysay siyaasadda dibada Somaliland waxaana ugu weyn inay dardar gelisay qadiyadii ictiraaf raadinta ee lagu iibgeynayay madax banaanida dalkeena, waxay garaacday albaab walba waxay jabisay deyrkii Somaliland kaga gudbanaa wadamada carabta waxaanay xidhiidh dublamaasiyadeed la yeelatay dalka Masar oo ka mid ahaa dalalka ugu firfircoon ee xasadka ku ahaa madax banaanida dalka.

Xukuumadda oo ka faa’iidaysanaysa laydha siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada dimuqraadiyad doonka ah ka aloosan qeybo badan oo ka mid ah dunida carabta waxay ku dhiiratay inay aqbasho marti qaad ay ka heshay dawlada masaarida waxaanay u dirtay wefti Wasiirro ah oo todobaadkii hore socdaal ku tagay Qaahira isla markaana kulamo sarsare iyo wada xaajood la yeeshay Wasiirro iyo madax sare oo ka tirsan dawlada masaaridda.

Sidoo kale, waxay xukuumaddu ay socdaalo ku gaalaa bixisay dalal badan oo ka mid ah dunida, waxaana dedaalkaasi ka dhashay inay dalka yimaadaan wufuud badan oo heerkoodu sareeyo oo ka socday dalalka Ingiriiska, Denmark, Sweden, waana arrinta sababtay in dawlada Ingiriisku ay shaacisay inay afar laabayso kaalmadii ay siin jirtay Somaliland, waana ta kalifay in dawlada Denmark ay daboolka uga qaaday inay si toos ah kaalmadeeda u siin doonto Xukuumadda.

Waxa xukuumaddu 12-kii bilood ee u dambeeyay ay kor u sii qaaday xidhiidhadii iyo iskaashigii ay la lahayd dalalka dariska la ah, kuwaasi oo ay iska kaashadaan dhinacyada, Nabadgelyada, la dagaalanka argagixisadda iyo aafadda budhcad badeedda. Madaxweynuhu wuxuu booqday dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxa kale oo uu ka qeyb galay xafladii wanqalka qaranka cusub ee koofurta Suudaan.

Waxa sanadkan dalka ka qabsoomay tartankii ciyaaraha goboladda oo dawladu gelisay dhaqaale iyo juhdi badan, tartankaasi oo ay ka qeyb galeen sideed gobol waxa marti gelisay magaalada Burco. Waxa tartankaa xiisihiisii kor u sii qaaday TV-yada iyo Idaacada Radio Hargeysa oo si toos ah u tabinayay, waxa soo gabo-gabeeyay Madaxweynaha Somaliland oo Gobolka maroodi-jeex gudoon siiyay koobkii horyaalnimada tartamadii kubaddaha cagta iyo gacmaha oo ay isku darsadeen.

Waxa xukuumaddu ay dabooshay baahidii qurbo jooga Somaliland u qabeen inay helaan warbaahinta qaranka, waxaana TV-ga Qaranku uu sanadkan baahintiisii la wada gaadhsiiyay wadamada adduunka oo dhan waxaana ugu dambeeyay waqooyiga Ameerika oo uu todobaadkii u dambeeyay la gaadhsiiyay. Waxa iyana la bixiyay idaacadii weynayd ee la doonayay in dalka laga hirgeliyo.

Sanadkan waxa shacbiga iyo xukuumadda Somaliland ay markii u horeeyay caawiyeen dalka Soomaaliya ee qalalaasuhu halakeeyeen, waxaanay 750 kun oo dollar ugu deeqeen kumanaan qoys oo ku barokacay macaluul, abaaro baahsan iyo colaada Soomaaliya, waxaanay raashin iyo dawooyin la geeyay magaalada Muqdisho iyo xeryaha qaxoontiga Soomaalida ee Kenya, waxay Somaliland ka mid noqotay dalalkii hormuudka ka noqday ee ka damqaday dhibaatadaasi ku habsatay Soomaaliya.

Qodobada kale oo sanadkan dalka ka dhacay waxa ka mid ahaa inay maxkamada sare ee Somaliland ka gar naqday khilaaf weyn oo kala qeybiyay xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxaanay u xukuntay in Faysal Cali Waraabe yahay gudoomiyaha sharciga ah ee xisbigaasi.

Waxa kale oo ka mid ah arrimihii u waaweynaa ee dalka ka dhacay go’aankii la isku waafaqay ee Golaha wakiiladdu ku laaleen diiwaan gelintii codbixiyeyaasha isla markaana ku meel mariyeen in doorashada goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haya lagu galo diiwaan gelin la’aan. Waxa caadi ku soo noqday wada shaqayntii xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda kuwaasi oo u wada shaqeeya sidii dastuuriga ahayd. Ka dib markii sanado badan uu meesha ka baxay wada shaqayntii xukuumadda iyo sharcidejinta.”

Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com