Xoghayaha Guud ee IGAD Oo ka hadlay waxyaabaha urur-goboleedkoodu ka taageeri karo Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Md. Maxbuub Macalin oo maanta sheegay inay dawlada Somaliland kala hadlayaan mashaariicda urur goboleedkaasi ka taageeri karo dalkan.
Xoghayaha guud ee IGAD, wuxuu sidaasi ka sheegay markii uu maanta soo gaadhay caasimada Hargeysa oo uu socdaal shaqo ku yimid markii sadexaad.

Md. Maxbuub Macalin oo markii uu ka soo degay Madaarka Hargeysa saxaafadda la hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalkiisa waxaanu yidhi “Waa markii sadexaad ee aan imaado Somaliland Magaaladda Hargeysa, labada goor ee ee aan imidna shaqo ayaanu isla bilawnay dawladda Somaliland, waxaana iga soo horeeyey Saraakiil ila shaqeeya oo dhinaca Jabuuti ka yimid, waxyaabo badan oo ku saabsan sidii dawladda Somaliland wax loola qaban lahaa ayaanu dhowr goor wada hadal ka yeelanay, Wasaaradda Khaarajiga iyo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, markaa arrimahaas wixii ka fulay iyo waxa nalaga tabanayo iyo waxa aanu isla qaban karno ayaanu eegaynaa.”

“Qorshihii aanu isla dejinay Dawladda Somaliland ee ahaa Labaatan sano meesha uu gaadhay iyo wixii kale aanu kala qaban karno ayaanu u nimid inaan eegno, wixii naloo sheegana waanu dhegeysanaynaa,”ayuu yidhi Xoghayuhu.

“Waxaanu ballan qaadnay inaanu Toban Arday geyno Jaamacadda ku taala Kambaala ee Uganda Haraare, shantii ugu horeeyeyna way tageen, waxaanay galeen Sannadkii sadexaad oo Imtixaankii ay u fadhiisteen natiijo wanaagsanna way ka gaadheen, taas oo muujinaysaa inuu Iskuulka sheekh yahay mid aad u sareeya.”

Mr. Maxbuub oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shanta kalena waa noo diyaar, laakiin waxaa nalaga codsaday in loo yara daayo Iskuul kooda, Bisha soo sicotana way tegi doonaan, ardayda ka soo bixi doona Iskuulka sheekhna waa loo raadin doonaa, Iskuulka sheekhna waxaa la wareegtay IDAG oo Maal gelin ayaanu ku samayn doonaa wixii Sannadkan ka dambeeya.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com