Khilaafka UDUB Oo dhaliyay garabo iska soo horjeeda iyo Gobolaysi ka dilaacay xisbiga dhexdiisa

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2011/12/Ahmed-Yusuf-Yassin.jpg”>Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ayaa qarka u saaran inuu burburo ka hor inta aan la gaadhin doorashada Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto horaanta sanadka 2012-ka, waxaana xisbigaasi u kala qeybsamay garabo iska soo horjeeda oo ku hirdamaya murashaxnimadda Madaxweynaha UDUB.

Xumadda loolanka murashaxnimadda xisbiga UDUB ayaa gaadhay heerkii u sareeyay, ka dib markii sida la sheegayGuddoomiye ku xigeenka UDUB ahna Ku simaha Guddoomiyaha Axmed Yuusuf Yaasiin uu la saftay dhaqdhaqaaqyo xoog leh oo murashaxa xisbigaasi loogu olalaynayo inuu noqdo Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoon yahan qurbo joog ah oo ay isku gobol ka soo jeedaan. Waxaanay arrintaasi u cuntami wayday Cali Maxamed Waran-cadde oo ah murashaxa ugu tunka weyn ee la tartamaya murashaxa dibada looga yeedhay,
Sida ay tibaaxayaan ilo xog ogaal ah oo ay heshay shabakada Somaliland.Org, xubno badan oo ka mid ah Gudida fulinta ee xisbiga UDUB oo ka soo horjeeda murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen ayaa nidar ku maray inay fashilin doonaan wax ay ugu yeedheen qorshe macaash doon ah oo qabiilaysan oo ay ku eedeeyeen Ku simaha Guddoomiyaha xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Xubnahani waxay ku dureen Jamaal Cali Xuseen inaanu hore uga mid ahayn xubnaha xisbiga isla markaana doorashadiisu ay burbur u horseedi doonto xisbul xaakimkii hore oo sanad iyo badhkii la soo dhaafayba la suursanaa guul darradii doorashadii madaxtooyadda. Waxay xubnahani doodooda ku sababeeyeen in aanu murashax Jamaal buuxinin shuruudihii xeerka xisbigaasi jideeyay oo ah inuu murashaxu uu labadii sanadood ee ugu dambeeyay uu kaalin ku lahaa olaleyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii xisbiga.
<

Ilahaasi waxay intaasi ku dareen in Jamaal Cali Xuseen si rasmi ah u shubay lacago kala duwan oo curaadh lagu tilmaamay oo ku dhacday account uu baanka dhexe ku leeyahay ku simaha Guddoomiyaha UDUB, waxaana lacagtaasi lagu qadaray 280 kun oo Dollar oo uu maamulkeeda uu gacanta ku hayn doono ku simaha gudoomiyuhu.
Waxa warku intaasi ku daray in Cali Maxamed Waran cadde uu sheegay inuu haysto lacagtaasi hase yeeshee uu diidan yahay qaabka loo maamulayo isticamaalka lacagtaasi. Waxa xisbiga UDUB ka socda olaleyaal xoog leh oo dhinac waliba xubnaha xisbiga ee gobolada dhacsiinayo inay taabacaan fikirkiisa.

Waxa la sheegay in khilaafkan ay soo dhex galeen Salaadiin is xil qaamay oo la sheegay inay doonayaan inay ka dhex odayeeyaan hirdanka garabadda xisbiga UDUB, kuwaasi oo galabta bilaabay kulamo gooni gooni ah oo ay la yeelanayaan Garabka Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Garabka kale oo uu Hoggaaminayo Cali Maxamed Waran-cadde, hase yeeshee lama oga wixii ka soo baxay kulamadaasi.

Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com