“Guddoomiyahayagu kumuu hadlin afkii Gudidayada, xaqna uma lihin inaanu waydiino Wasiirka”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle oo ka tirsan Gudida xanaanada xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa naqdiyay Gudoomiyaha Guddi hoosaadkooda Md. Siciid Maxamed Cilmi oo wasiirka macdanta iyo biyaha ku eedeeyay inuu sifo sharci darro ah dalka uga raray sadex markab oo macdan ah.
Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle oo maanta u waramayay Saxaafadu wuxuu sheegay inaanu Guddoomiyaha Gudi hoosaadkaasi ku metelin Gudida eedaha uu u jeediyay wasiirka macdanta iyo biyaha.

Xariir Siciid Bulaalle oo daba socday hadalkii Guddoomiyaha Gudidooda wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo war ka soo baxay Guddoomiyaha Gudidda xanaanada xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiiladda oo aniguna aan ka mid ahay Gudidaasi. Guddoomiyaha Gudidaasi wuxuu ka hadlay oo uu eedeeyay Wasiirka macdanta iyo biyaha oo uu yidhi wasiirku wuxuu lunsaday macdan iyo sadex markab oo macdan ah oo uu raray, waxaanu yidhi waxaan weydiiyay heshiiskii uu la galay Ha’yado caalami ah iyadoo aanu jirin baatrool aynu leenahay oo la tixraaci karaaba. Guddoomiyuhu isagoo ku hadlaya afka Gudida.”

“Guddoomiyaha Gudidaasi eedaha uu u jeediyay Wasiirka macdanta ee uu yidhi lacag buu lunsaday iyo macdan buu raray ee ku hadlayay magaca Gudidda wax allaale iyo wax ka jiraa ma jiro, waxaan leeyahay afka uu ku hadlay ma aha afkii gudidda, Gudida xanaanada xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ahna wax colaad ah oo ka dhaxaysa wasiirka macdanta iyo biyuhu ma jirto. Heshiisyadda uu galo Wasiirkuna anagu umana tagi karno mana waydiin karno oo ma odhan karno heshiiskii aad la gashay Ha’yadaasi ama wadankaasi keen, waayo shaqo aanu ku leenahay ma jirto. Wasiirku heshiiska uu galo wuxuu u gudbiyaa Golaha Wasiirrada cida kaliya ee aanu xaq u leenahay inaanu weydiinaa waa madaxweynaha. Wasiirka tallo iyo wax isku sheeg mooyaane’e wax kale oo naga dhaxeeyaa ma jirto.”
“Waxaan leeyahay Guddoomiyaha Gudi hoosaadkayaga waa markii labaad ee iyadoo horumarin loo sameynayo deegaanada aan ka tirsan nahay uu geliyo khal khal. Xiligii xukuumadii hore wuxuu eedan oo kale u jeediyay Wasiirkii macdanta iyo biyaha imikana wuu ku celiyay, waxaan isleeyahay waxa uu guddoomiyahagu hadalkan u yidhi wuxuu warbixin siinayaa cid kale,”ayuu yidhi Md. Xariir Siciid.
Xildhibaan Xariir waxa uu ugu baaqay Guddoomiyaha Guddi hoosaadkooda inuu ka waantoobo wax uu ugu yeedhay khaladaadka uu ka galayo dalka, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Guddoomiyahayagu ha ka waantoobo khaladaadka iska daba tagaya, warbixinaha uu bixinayana waanu haynaa. Warbixino ayuu bixiyaa oo cid buu wakiil u yahay sidaan anigu qabo.”
“Guddoomiyahayagu wuxuu xaq u leeyahay haddii uu khalad arkay inuu Guddidii inta uu u yeedho tuso khaladaadkii. Markaa iyadoo Gudidii u dhan tahay aanu tallaaabo ka qaadno,”ayuu yidhi Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com