Wasiirka Hawlaha guud oo ka waramay waxyaabihii u qabsoomay sanadkan 2011-ka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaarada hawlaha guud,gaadiidka iyo guryaynta Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare ayaa galabta soo bandhigay waxqabadyadii u hirgalay Sanadkan gabo-gabada ah ee 2011 iyo Qorshayaasha ku talo gal ee u meel yaala sannadka cusub ee 2012.

waxa uu Wasiirku si faahfaahsan uga waramay Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradu ka kooban tahay iyo arrimaha la taaban karo ee ay ku talaabsadeen, Wasiirku waxa uu cadeeyay in sannadkan ay Wasaarada hawlaha guud soo xaraysay lacag dhan Koob iyo Toban Bilyan oo Shillinka Somaliland waxaanu iftiimiyay goobaha ay dekhligaasi ka soo galay oo ay ka mid yihiin Bixinta Liisamada kala duwan ee gaadiidka ,Kirooyinka Guryaha iyo Bakhaarada dawlada IWM.
Prof Ismaaciil Muumin Aare waxa uu tilmaamay in hay’ada Wadooyinka Somaliland ee SRA ay wax badani u hirgaleen isagoo sheegay in jidka dheer ee Xidhiidhiya Gobolka Sool ilaa Caasimada Hargaysa ay ka soo sameeyeen dayactir iyo dib u eegista,Inkastoo uu xusay inay wax badani u dhiman yihiin isla markaana loo baahan yahay ayuu yidhi dhaqaale xoogan oo Wadooyinka wax lagaga qabto.
Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu u mahadceliyay Shacbiga Somaliland oo Sannadkan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka bilaabay hawl galo dhiirigelin mudan oo ay dhaqaale ugu ururinayaan sidii loo samayn wadooyin isku xidha gobolada dalka isagoo intaas ku daray in dawlada uu ka tirsan ay taageero muuqata ka qaadan doonto sidii ay u rumoobi lahaayeen riyooyinkani .

Prof. Ismaaciil Muumin Aare waxa uu xusay in Wasaarad ahaan ay diyaariyeen sharci qabyo ah oo ku wajahan Wado marista gaadiidka oo siyaasada laga leeyahay ay tahay sidii loo yarayn lahaa shilalka gaadiidka oo sababa khasaare nafeed iyo mid duunyaba isagoo intaas ku daray inay sugayaan khubaro kala talisa qaabka ugu haboon ee loo dajin karo xeerkan si uu mustaqbalka u noqdo mid dhaxal gal ah oo jiilba jiil ka dhaxlo.
wasiirka wasaarada hawlaha guud waxaa kale oo faahfaahin ka bixiyay Qorshaha ku talo gal ee u meel yaala Sannadka Cusub ee 2012-ka, waxaanu sheegay inay xooga saari doonaan Qurxinta Magaalooyinka iyo Nasqadayntooda si aynu u noqono ayuu yidhi dal keligii wax qabsaday isagoo oo aan Weli aqoonsi ka helin beesha caalamka.

waxa kale oo uu sheegay inay culays saari doonaan sidii hantida dawlada loogu soo celin lahaa gacanteeda iyo cashuurta guryaha dawlada oo uu xusay in tiradoodu dhan tahay kun sadex boqol iyo shan balse ay sannadkan cashuureen oo kaliya 142 guri oo qudha isagoo intaas raaciyay in dhamaanba hawlqabadkani uu ka danbeeyay balanqaadyadii xisbiga kulmiye.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com