Masar Oo Sheegtay In Socdaalka Weftiga Somaliland Qayb Ka Yahay Dardar Gelinta Siyaasadeeda Dibada

Qaahira (Somaliland.Org) – Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Muna Cumar ayaa carabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay taageerida iyo dardar-gelinta xidhiidhka labada dhinac ah ee ay dawladda Masar la yeelanayso dhammaan dalalka Qaaradda Afrika, taas oo si cad ay u iftiiminayso siyaasadda cusub ee ay raacayso wasaaradda Arrimaha dibadda Masar, isla markaana ay daruuri tahay inay Masar si xawli ah dib ugula soo noqoto doorkeedii ay ku lahayd Afrika.

Marwo Muna waxay sheegtay inay taasi ka turjumayso sii xoojinta ammaanka guud qaranka Masar.
Sidan waxa hordhac looga dhigay warbixin wargeyska caanka ah ee dalka Masar ka soo baxa ee la yidhaahdo Al-Ahraam ka qoray socdaal wefti ka socday xukuumadda Somaliland ku tegay xarunta dalka Masar ee Qaahira toddobaadkan, weftigaas oo kulan la yeeshay Kaaliyaha Arrimaha Afrika ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda Masar, Marwo Muna Cumar.

Wargeysku waxa uu warbixintiisan ku sheegay iyadoo siyaasaddaas cusub ee Arrimaha Dibadda raacaysa, ayey Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Marwo Muna wada-hadal la yeelatay wefti ka socda Somaliland, kaas oo ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac ka dhexeeya, isla markaana iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, Aqoonta Guud iyo dhinacyada kale ee kala duwan.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Marwo Muna waxay sheegtay in subaxnimadii Maalintii Salaasadda ay weftiga Somaliland oo ka koobnaa wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, la kulmeen wakiilada shirkadaha ganacsiga ee 10-ka Ramadaan, kadib markii weftiga Somaliland booqasho indho-indheyn ah ku tegay magaalada 10-ka Ramadaan oo ah magaalo Wax-soo-saar iyo ganacsi, waxaanay sheegtay in labada dhinac ku heshiiyeen in la dardargeliyo iskaashi ganacsi iyo wax-soo-saar oo dhexmara labada magaalo ee 10-ka Ramadaan iyo Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland, iyadoo ay qorshaysan tahay in carwo lagu soo bandhigayo wax-soo-saarka magaalada 10-ka Ramadaan lagu qabto magaalada Hargeysa bisha March ee sannadka soo socda.

Sida wargeyska Al-Ahraam uu ku xusay warkiisan waxaa Somaliland jooga ilaa 34 Masaari ah oo ay dawladda Masar u soo dirtay Somaliland, isla markaana waxaa qorshaysan in dib loo soo celiyo Maktabadii ay Masar ku lahayd Hargeysa, taas oo la dhigi doono ugu yaraan 7,000 oo Buug.

Dhinaca weftiga Somaliland ee booqashada ku tegay Masar waxa uu Wargeyska Al-Ahraam xusay inay wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali X. Xasan u sheegay in ay sugayaan inay dawladda Masar ka taageerto Somaliland dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dhinacyada amniga, si ay Somaliland awood ugu hesho inay ka hortagto aafadda budhcad baddeeda ee ka jirta gobolka Geeska Afrika iyo sidoo kale la-dagaalanka Argagixisada iyo in xeebaha Somaliland laga difaaco inay budhcad baddeeda wax hawl-gal ah ka fuliso.

Dhinaca kale, war ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Dawladda Masar, ayaa lagu sheegay in Muftiga Masar Cali Jumca uu soo dhaweeyay iskaashi dhexmara Masar iyo Somaliland, kaas oo ku saabsan dardar-gelinta Shareecada iyo cilmi-baadhis dhinaca cadaaladda ah.

“Kulan Arbacadii 28/12/2011 ku dhexmaray wasiirka Madaxtooyada Somaliland Hirsi Cali X. Xasan oo booqasho ku jooga Masar, kadib ayuu Jumca sheegay in Aqalka Ifta ee Masar rajaynayo inuu ku tabaruco kor-u-qaadidda waxbarashada casriga ah ee Islaamka ee Somaliland.” Ayaa lagu yidhi warka ay daabacday Wakaaladda Wararka ee dawladda Masar.

Waxa kale oo warkan lagu sheegay in Muftiga Masar si cad u bayaamiyay in Aqalka Ifta uu diyaar u yahay inuu u fidiyo taageero dhinacyada tababarka iyo toosinta ah si loo saxo fikradaha khaldan ee dhinaca Islaamka.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com