Ku simaha Duqa Caasimadda Hargeysa Oo Ka Jawaabay cabasho ka soo yeedhay dadweynaha xaafada 150-ka

strong>“Gole Deegaan ahaan wax bandanna waanu qabanay, dhiilo badanina way jiraan”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ku simaha Maayarka Caasimadda ahna Maayar Ku xigeenka Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa ka waramay go’aamo ka soo baxay Gudida heer qaran ee bilicda caasimadda.
Waxa kale oo uu ka hadlay qorshahooda la xidhiidha fayo-dhawrka iyo khashin ururinta magaaladda.

Ku simaha Maayarku wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay shabakada wararka ee Somaliland.Org. waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha waxqabadka Golaha deegaanka.

Maayar Ku xigeenka oo aanu weydiinay cabashadii ka timid dadweynaha ku dhaqan xaafada 150-ka ee la xidhiidhay Ciid la dhigay wadadaasi, waxaanu yidhi “Way jirtaa dad dhalinyaro ah oo laba cisho ka cabanayay wadada aanu ka dhisayno xaafadda 150-ka ee magaalada Hargeysa oo ay sheegeen in ciid la dhigay, imika waanu ka wada hadalnay wax dhibaato ah oo ka taagani ma jirto wax kalena kamay cabanayne waxay lahaayeen uun wadadu waa waddo dheer oo Hargeysa oo dhan ku wareegaysa markaa waxay lahaayeen ha naloo dhamaystiro. Wadadaasi dawladda Hoose iyo Guddida horumarinta xaafadaasi ayaa iska kaashada oo kalba in ayay dhisaan. Sidaad la socotaanna shanta degmo ee caasimadda degmo walba sadex bilood ayaa dhismaha wadooyinkeeda la dhisaa, wadada 150-ku waa waddo dheer oo maraysa degmooyinka 26-ka June iyo Gacan libaax labada shacbi ee labadaasi degmana aad baanu ugu mahad celinaynaa oo way ka qaateen kaalintoodii. Ciidii aanu dhignay oo ku yara raagtay ayay cabashadu ka timid waanu wadnaa oo gacanta ayaanu ku haynaa.”

Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, la weydiiyay inuu sharaxaad ka bixiyo qodobadii ka soo baxay shirar joogto ah oo ay Gudidda heer qaran ee bilicda Caasimadu ay yeesheen waxaanu yidhi “Shirarkii u dambeeyay ee Gudidda bilicda caasimadda waxa ka soo baxay markii hore waxay ahayd 1-da bishan January ee 2012 la fuliyo olale waddo banyan ah oo dadka lagaga rarayo ku ganacsada wadooyinka hareeraheedda, waxay markaa Gudidu isla garteen in muddo kale la siiyo dadka ku ganacsada wadooyinka waxaana la go;’aamiyay in 45 maalmood oo kale la siiyo si ay uga guuraan.”

“Gudidda bilicdu aad ayay u shaqeeyeen waanan ku ammaanaynaa, anagana dawlad hoose ahaan way noo soo gurmadeen Gudidda bilicda ee heer qaran waayo waa wasiirro shaqo kale qaranka u haya, madaxweynahana aad ayaan ugaga mahad naqayaa ,magacaabista Gudidan. Waxa kale oo ay Gudidani dhawaan soo saareen amar ay ku fareen in xoolaha magaalada dhex daaqa laga ururiyo, waxaana laba maalmood ka hor aanu ku wareejinay ciidanka asluubta 9 neef oo lo’ ah, oo markii hore la ganaaxay haddana mar kale la soo qabtay. Waxaanu halkan uga soo jeedinaynaa dadka magaalada dhexdeeda xoolaha ku haysta inay xoolahooda xidhaan ama u foofiyaan meelaha dibada ka ah caasimadda Hargeysa, waanan sii wadaynaa olalaha xoolaha aanu kaga celinayno magaalada”ayuu yidhi Ku simaha Maayarku.

Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxay dawladda hoose ka yeeli doonto shirkadihii qashin ururinta oo awood ku filan u yeelan waayay inay khashinka ka xakameeyaan magaalada, waxaanu yidhi “Horta Magaaladda Hargeysa waa caasimad waa meel Somaliland oo dhami iskugu timid, khashinkuna wuu sii badanayaa maalinba maalinta ka dambeysa, shirkaduhu way dedaaleen laakiin wali kumanaan guulaysan inaanu khashinka ka sifayno magaaladda. Guddida bilicda, dawladda Hoose iyo shirkaduhuba waanu ka wada hadli doonaa sidii wax looga qaban lahaa xashiishka.”
Maayar Ku xigeenka oo la weydiiyay inuu isa soo sharixi doono marka la gaadho doorashada Goleyaasha deegaanka, waxaanu yidhi “Horta Golaha deegaanka muddo dheer ayaanu soo joognay wixii aqoontayada ahaydna waxaan qabaa inaanaan waxba iska hagran, dhaliilo badana way jiraan oo runtii wixii dadweynuhu naga wada filayay nagamay wada helin. Markaa intii aanu qaban karaynay waanu qabanay. Waxaanu jecelahay inaanu dadka dhalinyarada ah aanu jaaniska siino, aniga shakhsiyan muhiim iima ah inaan galo Golaha deegaanka ee waxa ii mihiim ah oo aanu awooda saaraynaa sidii uu u soo bixi lahaa ururka Wadani, waxaanan filaynaa in murashixiinta Golaha deegaanka ee ururkaasi uu u bato jiilka cusub iyo dhalinyarada aqoon yahanada ah.”

Maayar Ku xigeenku waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay dedaalka go’aanka uu ku furay ururada siyaasadda.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com