Wasiirka Qorshaynta oo ka hadlay Go’aan ay soo saareen gudiddii bilicda Caasimada Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Bilicda Caasimadda Hargeysa, ayaa muddo shan iyo afartan (45) maalmood ah dib u dhigay hawlgalkii lagu rari lahaa dadka ku ganacsada hareeraha waddooyinka suuqyada caasimadda dhex mara.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ah guddidaas, kuna hadlaayey afka guddida ayaa shalay sheegay in ay hakiyeen waqtigii ay dadka kaga raraayeen meelaha waddooyinka ah, isaga oo xusay in ay ka diraar garoobaan muddadaas dib loo dhigay.

“Waxaan doonaynaa markii aannu wada tashi isugu noqonay Guddidadayadii Bilicda Caasimadda Hargeysa go’aankii naga soo baxay 14-kii bisha ee ahaa in jidadka dadweynaha sharci-darrada ku degen in ay banneeyaan inta ka horraysa bisha Janaury kowdeeda oo laga dhigo maalinta kama dambaysta ah Arbacada bisha labaad ee February 15-keeda, waxaannu ka codsanaynaa dadweynaha in aanay sugin maalinta kama dambaysta ah oo ay ka tabaabushaystaan inta ka horraysa,” ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com