Wasiirka Caafimaadka Oo Ha’yad Sucuudi ah kala gudoomay deeq dawooyin ah

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada Caafimaadka Md. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) ayaa maanta ka gudoomay Deeq dawooyin ah xafiiska samofalka Madaxtooyada Somaliland, taasoo ka timi Hay’ada Al-Nahda,ee Dalka Sucuudiga.

wasiirka ka Hadlay deeqdan dawooyinka ah waxa uu tilmaamay in deeqdan dawooyinka ah ay u qaybin doonaan todobo Cisbitaal oo ku kala yaala Gobolada Caasimada Iyo Gobolada Somaliland,waxaanu intaasi raaciyay in dawadani ay wax weyn ka tari doonto baahidii xaga dawooyinka ee ka jirtay goobaha Caafimaadka.
Maareeyaha Xafiiska samafalka Amina Maxamud Diiriye oo iyana ka hadashay ayaa sheegtay in ka xukuumada ay ka Go’antahay in dadweynaha wax u qabato,soona gaadhsiiyaan Deeqaha laga soo diro dalka gudihiisa iyo dibadiisaba iyadoo u mahad celisay dhamaanba intii ka qayb qaadatay in deeqdan maanta la qaybiyo.
Waxa Isna waxaa halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’ada Al-nahda oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu deeqdan Somaliland Soo gaadhsiiyo Xukuumada iyo maamulka u xilsaaran hawlaha samafalka .
Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com