Gudidda diiwaan gelinta oo soo bandhigay ururada ka soo gudbay wareegii hore ee diiwaan gelinta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Gudidda Diiwaan gelinta Ururadda siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta qaranka Md. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), ayaa soo bandhigay tiradda ururada siyaasadda ee is diiwaan geliyay isla markaana shubay 25 kun oo Dollar oo cashuur ah oo lagu soo rogay diiwaan gelinta ururadda cusub.

Guddoomiyaha oo maanta xafiiskiisa ugu waramayay Saxaafaddu wuxuu sheegay inay shalay la soo gabogabeeyay diiwaan gelintii ururadda siyaasadda oo haddii ALLE yidhaahdo dib loo furi doono toban sanadood ka dib.
Guddoomiyaha Gudidda Diiwaan gelinta Ururadda siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta qaranka Md. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), wuxuu sheegay oo ka hadlayay magacyada ururadda is diiwaan geliyay wuxuu yidhi “Waxa buuxiyay foomkii diiwaan gelinta isla markaana bixiyay cashuurtii ururada magacyadoodu yihiin sidan WADANI,DALSAN, UDHIS, NASIYE,NDB, UMMADDA,GURMAD,JAMHUURI,DAMAL,BADBAADO,HORYAAL,RAYS,SSCD,XAQSOOR iyo NUUR.”

Md. C/Risaaq Ciyaalle waxa kale oo uu sheegay inay u gudbayaan wajigii labaad ee lagu sii kala naaqishayay 15 ka urur ee is diiwaan geliyay, waxaanu tilmaamay in laga doonayo inay gobolada dalka ku yeeshaan xafiisyo shaqeynaya oo gobolkiiba ay u diiwaan gashan yihiin illaa kun qof oo xubno ka ah ururadda.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com