Guddoomiyaha Ururka JAMHUURIGA Oo soo dhaweeyay Go’aanka gudida diiwaan gelinta


“Urur ahaan waxaanu diyaar u nahay doorashada deegaanka waxna naga dhul yaalaan”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Jamhuuriga Md. Cismaan Xasan Mirre, ayaa soo dhaweeyay ururadda siyaasadda ee ka soo gudbay wajigii hore ee diiwaan geiinta ururadda siyaasadda.
Guddoomiyaha Jamhuuriga oo maanta u waramayay qaar ka mid ah saxaafadda ayaa bogaadiyay Gudidda diiwaan gelinta diiwaangelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka oo uu xusay inay hawl weyn qabteen.
“Gudidan diiwaan gelintu waxay qabteen hawl weyn oo balaadhan wakhti kasta oo aad xafiiska ugu tagtid waxaad ugu imanaysaa iyagoo jooga, waxaan ku hambalyaynayaa hawshii ay u dhabar adaygeen soona saareen natiijadii ururadii is diiwaan geliyay waxay sheegeen in 15 urur siyaasadeed ay buuxiyeen shuruudihhii xeerka ku qornaa, runtii aad ayaanu u soo dhawaynaynaa inaanu ka mid noqonay ururadii sida sharciga ah isku diiwaan geliyay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Jamhuurigu.

Md. Cismaan Xasan wuxuu sheegay inay bilaabayaan sidii ay goboladda dalka oo dhan xafiisyadii ururkooda uga furi lahaayeen.waxa kale oo uu tilmaamay inuu soo dhaweynayo inay wada hadalo la yeeshaan ururadii aan is diiwaan gelin waxaanu carabka ku dhuftay inay soo dhaweynayaan ururkii ku soo biiraya Jamhuuriga.

“Waxaanu u sheegaynaa bulshada Somaliland in ururka Jamhuurigu uu diyaar u yahay tartanka doorashada Goleyaasha deegaanka, mana jiro wax dhulka naga yaalaa, waxaanu hadda bilaabaynaa sidii aanu ku gudo jirnaa sidii xafiisyadii goboladda aanu u furan lahayn,”ayuu yidhi Guddoomiyaha ururka Jamhuurigu.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa