Xeer-ilaaliyaha Guud oo shir u qabtay xeer ilaaliyeyaasha gobolada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa shalay shir uga furay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa shir uga furay xeer-ilaaliyayaasha gobollada iyo kaaliyayaashooda.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ah, laguna gorfayn doono daraasad Xeer-ilaalinta Guud ka diyaarisay qaab-dhismeedka hawlmaalmeedka xeer-ilaalinta, iyada oo lagu soo sameeyey gobollada Somaliland, taas oo ay gacan ka siisay hay’adda UNDP si loo iftiimiyo in xeer-ilaalintu ku taagan tahay nidaamkii loogu talagalay shaqadooda, waxaana lagu dardargelinayaa habsami u socodka hawlaha xeer-ilaalinta dalka, sidoo kalena waxa daraasadan lagu habaynaayey sidii loo midayn lahaa shaqada kala duwan ee xeer-ilaalintu shacabka u hayso.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Md. Xasan Axmed Aadan oo isagu furitaankii shirkan ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada shirkan, isaga oo sheegay in ay ku falanqayn doonaan daraasad laga sameeyey nidaamka ay u shaqeeyaan Xeer-ilaalinta Guud ee dalku, waxaannu xusay in daraasadani dardargelin doonto hawlaha xeer-ilaalinta.

“Waxa lagaga doodi doonaa shirkan muddada uu socdo daraasad aannu soo samaynay oo ay naga caawisay hay’adda UNDP, waxaannu daraasadan khabiirka ka hawlgalay ku sameeyey qaabka ay u shaqeeyaan xeer-ilaalintu, waxaannu darsay xilka iyo waajibaadka dhabta ah ee xeer-ilaalintu in sidii loogu talagalay u gudanayaan, si loo oggaado waxyaabaha ka dhiman, waxaana qorshaha ku jirta in la uruuriyo xilka iyo waajibaadka xeer-ilaalintu hayso si qof kasta si fudud ugu heli lahaa qaabkay u shaqeeyaan, xilkiisa iyo waajibaadkiisana cid walba u oggaato. Waxaannu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, waana mid u muhiim ah xeer-ilaalinta,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku.

Weriiye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com