Weftigii Somaliland ee Qaahira ku sugnaa oo ka waramay Wasiirro iyo masuuliyiin ay la kulmeen

Qaahira (Somaliland.Org)- Weftigii wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ee uu weheliyay Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan, ayaa ka waramay kulamadii ay maalmihii la soo dhaafay Magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmeen Wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada masaaridda.

Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed caawa ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo u dhignaa sidan:-
“Weftiga Somaliland ee Booqashada ku joogay Dalka Masar gaar ahaan Qaahira ayaa caawa gelinkii hore soo gebagabeeyey martiqaadkii ay halkaa ku tegeen una soo kicitimay xarunta dalka kiiniya ee Nayroobi, kadib markii ay soo dhamaysteen socdaal qaatay Shan maamlmood oo ay kulamo kula yeesheen Masuuliyiinta Dawlada Masar, Ururka Jaamacada Carabta, iyo Madaxda Xarunta Wershadaha iyo ganacsiga ee Dalka Masar.

Mudada uu weftiga Somaliland Qaahira ku sugnaa, Madaxda uu kulamada la yeeshay waxa ugu muhiimsanaa, ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Masar,Muna Cumar oo ku qaabishay (wasiirka ayaa waxa uu ku maqan yahay Dalka Iraan), xafiiska wasaarada Arrimaha dibeda isla markaana qado sharaf u samaysay weftiga,
Wasiirka Mucaawimooyinka iyo iskaashiga Dibeda, oo Xafiiska Raysal wasaaraha ku qaabishay maanta gelinkii danbe, Saraakiisha Xarunta wershadaha iyo Ganacsiga ee Dalka Masar oo xaruntooda ku qaabilay isla markaana weftiga soo tusay wershadaha waa weyn ee muhiimka u ah wax soo saarka dawlada Masaarida iyo sida ay u danaynayaan Somaliland, ku xigeenka Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Weftiga Somaliland ee wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa ay Madaxda ka wada hadleen qodobo muhiim u ah xoojinta xidhiidhka siyaasadeed iyo ka ganacsi ee u dhexeeya labada wadan.
Sida ay tibaaxeen wasiirada Somaliland ee weftiga ahina waxa ay dawlada Masaaridu u muujisay sida ay u danaynayso inay wax la qaybsato Somaliland dhinac walba iyo sida ay weftigan ka hor xogta Somaliland ugu yarayd Qaahira.
Weftigu waxa kale oo uu kulan balaadhan la yeeshay Ardayda Reer Somaliland ee waxka ka barata dalkaas iyo Jaaliyada halkaasi ku nool oo ay uga xog warameen Dawladnimada ka hana qaaday Somaliland, isla markaana waxa ay ka dhegaysteen xaaladooda.
Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed CabdilaahI Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyda Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo markii ugu horaysay booqasho ku tegay dalka Masar intii Xukuumada Cusubi jiray ka dib markii ay martiqaad rasmiya ka heleen Dalka masar waxa ay soo Ibo-fureen xidhiidh cusub oo la jaan qaadaya isbedelka ka dhacay Dalkaas, Somalilandna ay doonayso in ay dawladda Masaarida ku qanciso gooni isu taaga Somaliland, maadaama ay masar tahay Wadan Miisaan ku leh Dunida Carabta iyo ta Afrika labadaba.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com