Walxo qarxa oo lagu qabtay Hargeysa Iyo ciidanka qaranka oo ka hadlay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidanka qaranka ayaa soo bandhigay walxo ka mid ah waxyaabaha loo adeegsado qaraxyadda oo ay sheegeen in nin xidhnaa xijaabka haweenku uu si kadis ah xalay u tuuray markii uu arkay askari ka tirsan ciidanka Sahanka ee ciidanka qaranka.

Hoggaanka Sahanka ee ciidanka qaranka Somaliland Maxamed Cabdi Cali “Waxaan diin sheegaynaa in xalay markii saacaddu ay ahayd 9:00 habeenimo, wuxuu askari ka tirsan ciidanka qaranka gaar ahaan waaxda sahanku uu soo dabo galay nin iyo naag wuxuu u kala garan waayay oo xidhnaa xijaabka haweenka, kaasi oo marayay dariiqa madow ee u dhaxeeya Maxkamada Gobolka iyo Dugsiga Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, waxaanu ku soo dhaadhacay biriijka labaad ee caasimada Hargeysa, waxaanu markii uu dooxa u dhaadhacay uu iska qaaday xijaabkii uu xidhnaa.”

“Ka dibna Mobile ayuu ka hadlay oo waxa u yimid nin kale waxaanay iskugu yimaadeen Biriijka labaad ee caasimadda iyo Guriga madaxweyne Ku xigeenka agtiisa, askarigaasi oo aan hubaysnini wuxuu ka maqlay markay wada hadlayeen kalmad ah waa adiga iyo waadiga iyo shiil kolaha,”ayuu yidhi Hoggaanka sahanka ee ciidanka qaranku.
Hoggaanka sahanku wuxuu sheegay inuu markii ay arkeen in askarigaasi la socday dhaqdhaqaaqooda ayay tuureen walxihii ay siteen waxaanay baxsadeen dhinaca dooxa.
“Nimankii waxay noqdeen niman hubaysan markaa askarigii waxa u suurto gashay inuu soo qaado walxihii ay ka carateen oo marka la eego qarxin karayay masaafo dhan biriishka labaad ee caasimadda illaa agagaarka Guriga Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland,”ayuu Yidhi Maxamed Cabdi Cali.

Weriiye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com