Hanti dhawraha Guud oo Sheegay inaanay jirin lacago uu leexsaday Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu

Hantidhawraha guud oo soo saaray Warbixin waji gabax ku ah Wasiirka Maaliyadda

Hargaysa (Somaliland.Org):- Hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland ayaa soo saaray natiijada baadhitaano ay maalmihii u danbeeyay ka wadeen wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, kuwaas oo la xidhiidhay halka ay ku dhacday lacago ay wasaaradu heshiis kula gashay shirkado ajnabi ah.waxaanu shaaca ka qaaday inaanay jirin wax lacago ah oo Wasiirka macdanta iyo biyuhu duwaday.

Hanti dhawraha guud ee qaranka Md. Maxamuud AwCabdi (Maxamuud Dheere), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargaysa, ayaa dheegay in lacagtii ay wasaarada macdanta iyo biyuhu ka qaaday shirkadahaasi ajnabiga ah si waafaqsan heshiiska ay shirkadahaasi la galeen Somaliland in ay lacagtaasi ugu dhacday akaawnka wasaarada macdantu ay leedahay baanka dhexe isla markaana inta ka maqan lacagtaasi ee la siticmaalay ay iyaduna u baxday si waafaqsan heshiiska.

Waxaanu yidhi “waxaan jecelahay in aan halkan ka bayaamiyo, kana cadeeyo, baadhis maalmihii danbe nooga socotay wasaarada macdanta, biyaha iyo tamarta, taasi oo saxaafadu aad u hadal haysay warar badanina ka baxeen, baadhistaasi oo si gaar ah gu saabsanayd lacago wasaarada macdanta ka soo gaadhay laba shirkadood oo ajnabi ah, haddii aanu nahay hanti dhawrka guud ee qaranka waxaanu u cadaynaynaa ummada in ay lacagtaasi u soo gashay baanka dhexe ee Somaliland si waafaqsan heshiiskii ay Jamhuuriyada Somaliland la gashay shirkadahaasi, una baxday inta ka baxday lacagtaasi si waafaqsan heshiiskaasi, lacagtaasina ay hada ku jirto akaawnka wasaarada macdanta ee baanka dhexe ee Somaliland, taasina waa naga cadayn si loo helo xaqiiqada jirta oo aanu jahawareer kale u dhicin.”

Md Maxamuud Aw cabdi, isaga oo sharaxaya waxa ay ku salaysnayd lacagtaasi iyo wakhtiga ay shirkadahaasi ajnabiga ahi heshiiska la galeen Somaliland waxa uu yidhi “lacagahani waxay ku salaysnaayeen heshiis dhex maray wasaarada macdanta iyo biyaha oo metelaysay Somaliland iyo shirkadahaasi ajnabiga ah, heshiiskaasi mid wakhti hore la galay ayuu ahaa oo 2009-kii ayuu dhacay, hase ahaatee dib ayaa loo soo cusboonaysiiyay oo wasiirka macdanta iyo biyaha ee hada jooga ayaa dib ula soo heshiiyay shirkadahaasi,shirkadahaasina waxa ka mid ah shirkad la yidhaahdo ASTANA oo xagga shidaalka ku shaqo leh oo muddada hore heshiiska lala galay, hase ahaatee dib loo cusboonaysiiyay 14/10/2010, waxay ahayd in ay shirkadaasi wasaarada siiso waxa loo yaqaano tayaynta shaqaalaha wasaarada (capacity building), weli shirkadu dalka ay soo degin, laakiin heshiisku sida uu sheegayay waxay ahayd in ay sanadihii 2009, 2010, iyo sanakan aynu ku jirno wixii tayaynta shaqaalaha wasaarada ah in ay siisi oo ay bixiso ayay ahayd, sidaanu baadhistayada ku ogaanay way bixisay shirkadaasi lacagtii.”

Hanti dhawraha guud ee qaranka Md. Maxamuud Aw Cabdi, waxa uu sheegay in lacagtaasi ay Somaliland soo gaadhay iyada oo jeegag ah isla markaana uu ku qaran yahay magaca wasaarada macdanta iyo biyuhu, ka dibna lacagtaasi markii ay soo gaadhay Somaliland in uu wasiirka macdantu u bedelay kaash sidaasina ugu gudbiyay baanka dhexe masuuliyada lacagtaasina ay ka wareegtay wasaarada “Lacagtu waxay ahayd oo ay ku timid lacag jeegaga ah, oo uu ku qoran yahay magaca wasaarada macdanta iyo buyaha Somaliland, markaa mar haddii ay wasaaradu ku qaran tahay jeega waad garanaysaa in aanu jeegaasi dayacnayn, talaabadii ugu horaysya ee uu wasiirku qaaday waxay ahayd jeegagii oo uu u gudbiyay baanka dhexe, saddex jeeg ayay ahaayeen oo lacagtoodu isku noqonayso $175000, markaa jeegagii waxaa qabtay baanka dhexe oo ay masuuliyadii raacday, mar haddii uu qabtay magacii wasaaraduna ku qoran yahay, waana halkii ay ahayd lacagtu in ay tagto.” Ayuu yidhi Md Maxamuud dheere.

Md Maxamuud Dheer, Hanti dhawraha guud ee qaranka Somaliland waxa kale oo uu sheegay in ay baadhitaan ku sameeyeen baanka dhexe, waxaanu cadeeyay in lacagtaasi iyada oo kaash ah ay wakhtigan taalo baanka dhexe isaga oo tilmaamay hanti dhawrku in nidaamkaasi uu waafaqsan yahay heshiiskii lala galay labadaa shirkadood ee ajnabiga ah.

Waxaanu yidhi “Guddoomiyaha baanka waanu ku soo darnay baadhitaankii waxayna noqotay xidhiidh ay la leeyihiin baananka caalamka hab kaasi ayaanu maray wasiirku jeegagii buu soo sarifay xisaab wasaarada baanka uga furan baanu ku shubay lacagtii, lacagtaasina hadadaa aynu joogno iyo markii aanu baadhitaanka wadnayba baanka ayay ku jirtaa iyada oo kaash ah waana $50,000, intii kale wixii kharashaadkaasi ku baxayna waanu haynaa oo gacanta ayaanu ku soo qaadnay, waxayna ahayd si waafaqsan heshiiskii lala galay labada shirkadood ee la kala yidhaahdo ASTANA Oil Limited Uk, iyo ta la yidhaahdo Opher Energy Oil Limited Uk, lacagtii ay tayaynta shaqaalaha wasaarada ugu talo galeen, lacagtaasina si fiican ayay ku dhamaatay, Waxbay ku leeyihiin, wasaaraduna qayb ayuunbay ku lahayd, qaybtaana waxaa loogu talo galay kharashaadka sida shidaalka, safarada iyo shaqaalaha oo lagu tababaro.”

Hanti dhawraha guud ee qaranka Somaliland, ayaa tilmaamay baadhitaanada uu sameeyo hanti dhawrka qaranku in aanu ahayn mid ay ku beegsadaan meelo gaar ah balse uu yahay hab lagu ilalinayo hantida qaranka, isla markaana ay u raacaan baadhista nidaamka dalalka caalamku ay u sameeyaan iyada oo la dabaqayo nidaamka iyo xeerarka baadhista loo dejiyay.

“Anaga baadhistayadu ma aha mid meel gaar ah ku wajahan, balse waxay u socotaa hab ah wixii lagu dabooli lahaa ilaalinta hantida qaranka, markaa way noocyo badan tahay baadhistu wayna sii kala saraysaa, waxana weeyaan hab loo dhigay oo caalamkuba u raaco baadhista ayaanu anaguna u raacnaa baadhistayada, markastana baadhistu waxay ku salaysan tahay xeerarka habka baadhista loo dhigay oo la raaco iyo meesha la baadhayo ama cida la baadhayo oo iyadna xeerka iyo qawaaniintu sida ay yihiin loo maro.” Ayuu yidhi Md Maxamuud Dheere.

Warbixintan ayaa waji gabax ku noqonaysa wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo eedihii uu u jeediyay wasiirka macdanta baadhitaanka Hantidhawruhu beenisay.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com