178 shaqaale ah oo u fadhiistay imtixaankii qiimaynta Ha’yada shaqaalaha

Hargeysa (Somaliland)- 178 qof oo ka kala socday, wasaaradaha, hay’adaha dawladda ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii Qiimaynta Shaqaalaha dawladda.
Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Muxumud Aw cabdi uu imtixaanka ka hor la hadlay shaqaalahii gelayey imtixaanka, waxuuna u mahadnaqay mas’uuliyiinta hay’adda shaqaalaha ee hawsha sii waday mudadii uu dalka debadiisa ku maqnaa.
Gudoomiyaha hay’adda shaqaalahu waxuu u rajeeyay inay dhamaantood ka gudbaan imtixaankan oo mudada laga shaqaynayaa ay tahay labo saacadood.
Shaqaalaha imtixaanka manta u fadhiistay oo tiradoodu dhamayd 178 ruux ayaa waxay ka kala socdeen sagaalka waaxood ee kala ah: wasaaradaha Madaxtooyada, Dib u dejinta,& hay’adaha kala ah hay’adda Miino saarka, hay;adda abaabul ka saarka, hay’adda ka hortagga aafooyinka ee NERAD, machadka tababarka shaqaalaha dawladda, hay’adda mucaawinooyinka, Gudida ICT-ga & Gudida shuruucda
Gudoomiye xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda Axmed Cali Xirsi Sulub oo isna shaqaalaha la hadlay waxa uu xasuusiyey in imtixaankani yahay mid Sunne ah oo loogu talo galay in la waafajiyo shuruucda shaqaalaha dawladda ee ah in qofka shaqaalaha ah ee aan imtixaan hore gelin laga qaado imtixaan, waxana uu ku dhiirriyey in imtixaankani ahayn mid dadka lagu eryayo.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com