“Guddoomiyahayagu kumuu hadlin afkii Gudidayada, xaqna uma lihin inaanu waydiino Wasiirka”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle oo ka tirsan Gudida xanaanada xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa naqdiyay Gudoomiyaha Guddi hoosaadkooda Md. Siciid Maxamed Cilmi oo wasiirka macdanta iyo biyaha ku eedeeyay inuu sifo sharci darro ah dalka uga raray sadex markab oo macdan ah. Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle oo maanta u […]

XAQ AYUU U LEEYAHAY MAXAMED CUMAR CARTE INUU DHIIRIGELIYO HORUMARKA DALKA IYO DADKA!!!!

Waxaa layaab iyo fajicisaa eedeynta iyo sharaf xayuubinta lagu samaynaayo masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka qaarkood sidda Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka DAMAL Mudane Maxamed Cumar Carte oo Warqadda Hargeysa ka soo baxda ee Jamhuuriya ku eedeysay inuu xidhiidh la lahaa qunsulka arimaha Somaliya ee fadhiisinkiisu yahay magaala madaxda wadanka Kenya ee Nairobi mr Bob Patterson. Hadaba sidda waraaqda […]

Masar Oo Sheegtay In Socdaalka Weftiga Somaliland Qayb Ka Yahay Dardar Gelinta Siyaasadeeda Dibada

Qaahira (Somaliland.Org) – Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Muna Cumar ayaa carabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay taageerida iyo dardar-gelinta xidhiidhka labada dhinac ah ee ay dawladda Masar la yeelanayso dhammaan dalalka Qaaradda Afrika, taas oo si cad ay u iftiiminayso siyaasadda cusub ee ay raacayso wasaaradda Arrimaha dibadda Masar, isla markaana ay daruuri tahay inay Masar si xawli ah dib ugula soo noqoto doorkeedii ay ku lahayd Afrika.

Wasiirka Caafimaadka Oo Ha’yad Sucuudi ah kala gudoomay deeq dawooyin ah

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada Caafimaadka Md. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) ayaa maanta ka gudoomay Deeq dawooyin ah xafiiska samofalka Madaxtooyada Somaliland, taasoo ka timi Hay’ada Al-Nahda,ee Dalka Sucuudiga. wasiirka ka Hadlay deeqdan dawooyinka ah waxa uu tilmaamay in deeqdan dawooyinka ah ay u qaybin doonaan todobo Cisbitaal oo ku kala yaala Gobolada Caasimada Iyo Gobolada […]

Guddoomiyaha Ururka JAMHUURIGA Oo soo dhaweeyay Go’aanka gudida diiwaan gelinta

“Urur ahaan waxaanu diyaar u nahay doorashada deegaanka waxna naga dhul yaalaan” Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Jamhuuriga Md. Cismaan Xasan Mirre, ayaa soo dhaweeyay ururadda siyaasadda ee ka soo gudbay wajigii hore ee diiwaan geiinta ururadda siyaasadda. Guddoomiyaha Jamhuuriga oo maanta u waramayay qaar ka mid ah saxaafadda ayaa bogaadiyay Gudidda diiwaan gelinta diiwaangelinta […]

Weftigii Somaliland ee Qaahira ku sugnaa oo ka waramay Wasiirro iyo masuuliyiin ay la kulmeen

Qaahira (Somaliland.Org)- Weftigii wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ee uu weheliyay Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan, ayaa ka waramay kulamadii ay maalmihii la soo dhaafay Magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmeen Wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada masaaridda. Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed caawa ka soo baxay madaxtooyadda […]

Walxo qarxa oo lagu qabtay Hargeysa Iyo ciidanka qaranka oo ka hadlay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidanka qaranka ayaa soo bandhigay walxo ka mid ah waxyaabaha loo adeegsado qaraxyadda oo ay sheegeen in nin xidhnaa xijaabka haweenku uu si kadis ah xalay u tuuray markii uu arkay askari ka tirsan ciidanka Sahanka ee ciidanka qaranka. Hoggaanka Sahanka ee ciidanka qaranka Somaliland Maxamed Cabdi Cali “Waxaan diin sheegaynaa in xalay […]

Wasiirka Dib u dejinta oo ka waramay waxyaabihii u qabsoomay 2011-ka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda Dib u Dejinta ee Somaliland Mudane Cabdirisaaq Cali Cismaan ayaa waxuu maanta ka Xog warramay waxqabadkii wasaaradda u hirgalay Sanadka 2011 ee Gabo gabada ah iyo Qorshaha ku tallo gal ee Sannadka cusub ee fooda inagu soo haya. Wasiirku waxa uu sheegay inuu Mas’uuliyada wasaaradan hayay Mudo Todoba Bilood ah isagoo xusay […]

Xeer-ilaaliyaha Guud oo shir u qabtay xeer ilaaliyeyaasha gobolada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa shalay shir uga furay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa shir uga furay xeer-ilaaliyayaasha gobollada iyo kaaliyayaashooda. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ah, laguna gorfayn doono daraasad Xeer-ilaalinta Guud ka diyaarisay qaab-dhismeedka hawlmaalmeedka xeer-ilaalinta, iyada oo lagu soo sameeyey gobollada Somaliland, taas […]

Urur siyaasadeed la magac baxay Xaq-soor oo lagaga dhawaaqay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay Xaqsoor, ayaa maanta lagaga dhawaaqay Huteelka Hadhwanaag ee magaaladda Hargeysa. Xafladii daah furka ururkan waxa ka soo qeyb galay galay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Masuuliyiin ka socday xisbiga UDUB iyo ururadda siyaasadda ee UDHIS, RAYS, salaadiin, Xildhibaano iyo taageereyaal tiro badan. Guddoomiyaha ku meel […]

178 shaqaale ah oo u fadhiistay imtixaankii qiimaynta Ha’yada shaqaalaha

Hargeysa (Somaliland)- 178 qof oo ka kala socday, wasaaradaha, hay’adaha dawladda ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii Qiimaynta Shaqaalaha dawladda. Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Muxumud Aw cabdi uu imtixaanka ka hor la hadlay shaqaalahii gelayey imtixaanka, waxuuna u mahadnaqay mas’uuliyiinta hay’adda shaqaalaha ee hawsha sii waday mudadii uu dalka debadiisa ku maqnaa. Gudoomiyaha hay’adda shaqaalahu waxuu […]