Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo si weyn loogu soo dhaweeyay Oodweyne

Oodweyne (Somaliland.Org)- Dadweynaha Gobolka Oodweyne, ayaa roog cas u dhigay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Bixii Cabdi iyo wefti ballaadhan oo ku weheliyay safar uu xisbigaasi ugu jiro diyaar-garowga doorashooyinka deegaanka iyo qiimaynta waxqabadkii xisbiga KULMIYE balan qaaday doorashooyinkii madaxtooyadda sanad iyo badh ka hor, sida uu ku soo waramay weriye Maxamed Siciid oo weftigaasi la socdaa.

Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada oo u kicitimay Jabuuti

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wefti uu hoggaaminayay Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta u kicitimay dalka Jabuuti, halkaasi oo ay kaga qeyb geli doonaan kulamo weftigii Madaxweynuhu ay dalkaasi kula yeelan doonaan masuuliyiinta Jamhuuriyada Jabuuti. Weftigan oo ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa waxa xubno ka […]

Weftiga Madaxweynaha Oo bari ka soo kicitimaya London iyo Wasiirro u kicitimaya Jabuuti

Hargeysa (Somaliland.Org)- Weftigii Madaxweyneynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku joogay dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa inuu dalkaasi ka soo ambo-baxo maalinimada Khamiista ee fooda inagu soo haysa, siday wargeyska Dawan u xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow madaxtooyaddu. Weftiga Madaxweynuhu waxay iman doonaan dalka aynu dariska nahay ee Jabuuti halkaasi oo sida […]

“Anigu Uma Baahni Urur Furasho Iimana Muuqato Wax Igu Kalifaya Arintaas” W/Madaxtooyada

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in aanu jirin Urur siyaasadeed uu xiligan ku jiro, isla markaana aanu diyaar u ahayn una baahnayn, kaas oo sidoo kalena si weyn u soo dhaweeyey xeerka dhalinyarada u ogolaanaya ka qayb qaadashada siyaasada ee ay shalay meelmariyeen golaha guurtida Somaliland, kuna sifeeyey dabar weyn oo laga jaray dhalinyarada dalka, isla markaana dhalinyarada kula dardaarnay inay Jaaniskaas uga faa’idaystaan si Xilkasnimo iyo Masuuliyadi ku jirto.

Guurtida Oo Ansixiyay kaabista xeerka doorashooyinka Goleyaasha deegaanka

Hargaysa (Somaliland.Org):- Muddaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa shalay ansixiyay kaabista xeerka doorashada xeer No. 20, kaasi oo dhigaya in dhalinyarada da’doodu gaadhay shan iyo labaatan jir ay ka qayb geli karaan siyaasada dalka gaar ahaana xildhibaanada golaha deegaanka. Fadhigan golaha guurtida oo uu shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Md Siciid Jaamac […]

Hay’ada UNFPA oo baabuur Ambalaas ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Hay’ada UNFPA ayaa gaadhi ambalaas ah maanta ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka, waxaana loo sameeyay Xaflad lagula kala wareegayay baabuurka Ambalaaska ah, ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, Waxa ka hadlay madaxa hay’ada UNFPA Marwo Sareedo waxaanay sheegtay in deeqdani aanay ahayn tii ugu horeysay balse hore ay baabuurkan Ambalaas ah oo kale ugu […]

Dhagarqabe Muwaadin reer Somaliland ah ku dilay Magaalada Bristol oo la Xukumay

alignleftBristol (Somaliland.Org)-Maxkamad ku taala Magaalada Bristol ee Carrigan ingiriiska ayaa 12 sanadood oo xadhig ah ku xukuntay eedaysane magaciisa la yidhaado Kemar Campell oo bishii July ee Sanadkii hore ee 2010 magaalada Bristol ku dilay Muwaadin Somaliland u dhashay oo magaciisa la odhan jiray Allah ha u naxariistee Marxuum Abdirizaq Mohamamoud oo markii dilka loo geystay ay da’diisu ahayd 18 jir.

Xasan Ciise Meeshuu Tagaba wax buu ku biirinayaa

Dhowaanahan waxaa Somaliland ka soconaayey abuurista iyo furashadda Urur siyaasadeedyadda doonaaya inay ka qayb galaan tartanka Siyaasadda dalka iyo weliba isla markaasina siddii ay u noqon lahaayeen Xisbi Siyaasiya oo Qaran. Hadaba tan iyo intii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ogolaaday habka asxaabta badan iyo furashadoodda waxaa isi soo taraayey maalinba maalinta ka danbaysa furashadda iyo ku […]

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay socdaal uu ku tagay Magaalada Berbera

Berbera-(Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada kaga jira xisbiga, garabka haweenka iyo masuulliyiin xisbiga ka tirsan, ayaa maanta safar ugu kicitimay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil. Wefiga oo saaka ka tagay magaalada Hargeysa waxay khudbado u jeediyeen boqollaal ka mid ah taageerayaasha […]

Shir lagu dhaariyay 100 oday oo ka soo jeeda bilihii ku diriray Ceerigaabo

Ceerigaabo(Somaliland.Org)-Shir ballaadhan oo maanta lagu qabtay magaalada Ceerigaabo ayaa si rasmiya loogu dhaariyey  Boqol oday oo ka ka soo kala jeeda waxgaradka beelaha  Koonfurta iyo Waqooyiga Ceerigaabo,si loo soo afjaro  shaqaaqadii dhex martay labadaasi beelood. Xafladii dhaarta labada dhinac oo lagu qabtay dugsiga shaafici ee magaalada Ceerigaabo waxa ka qayb galay  wefdigii ka socday xukuumada Somaliland […]

Afti Ay Samaysay IRI Oo Sheegtay Horumarka Ay Wasiirka Waxbarashadu Gaadhsiisay Tacliinta Dalka

Hargeysa (Somaliland.Org) – Afti-Qaadis ay samaysay hay’adda International Republican Institute (IRI) ayaa daboolka ka qaaday horumarka Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan intii ay xilka haysay ee ay gaadhsiisay Waxbarashadda Dalka, taas oo sheegtay in isbedel weyni ku yimid hanaanka waxbarashadda Somaliland tan iyo intii xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo talada dalka qabatay.