Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain Oo ka hadlay aqoonsiga Somaliland

London (Somaliland.Org)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Britain William Hague ayaa go’aan ka gaadhista qadiyadda aqoonsiga madax banaanida Somaliland dib ugu riixay ilaa inta laga adkaanayo kooxaha argagixisada ah ee ay ka midtahay Al-Shabaab.

Mr. Hague oo ka qayb-qaatay Dood Aqalka hoose ee Baarlamaanka UK dorraad ka yeeshay arrimaha Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, doodaas oo ay xildhibaanada Aqalka Wakiillada (House of Commons) su’aalo kaga weydiinayeen wasiirka siyaasadda Britain ee ku waajahan waddamada ku yaal waqooyiga Afrika oo ay Somaliland iyo Somalia-yaba ku jiraan iyo kuwa Bariga dhexe.

Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Ingiriiska “The Daily Mail” ayaa warbixin uu ka qoray doodaas Isniintii dorraad ka dhacday aqalka Baarlamaanka UK, ayaa sheegay in xildhibaan magaciisa la yidhaahdo Mike Gapes oo ka tirsan xisbiga Laybarka uu wax ka weydiiyay wasiirka Arrimaha dibadda Mr. Hague doonista Somaliland ay doonayso inay noqoto dawlad iskeed u madax banaan, taas oo uu Mr. Hague si diiran uga jawaabay, balse uu sheegay ay ka go’an tahay inay sugaan ilaa inta laga adkaanayo argagixisada.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumar