Urur siyaasadeedka WADANI Oo Berbera Ka Furay xafiiskoodii Gobolka Saaxil

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2011/11/IMG_55592.jpg”>Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay ayaa maanta xaruntii ururkaasi eegobolka Saaxil ka furay magaalo-xeebeeda Berbera.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa waxa ku soo dhaweeyay magaalada Berbera Boqolaal qof oo ka mid ah taageereyaasha ururkaasi.
<
Guddoomiyaha WADANI oo ka hadlay xafladii furitaanka xafiiskooda gobolka Saaxil ayaa sheegay in ururkani uu noqon doono mid la wada leeyahay waxaanu yidhi “Ururka WADANI waa hanti ay wada leeyihiin dadka reer Somaliland, waana urur isu sharciyeeyey dawlad wanaag, toosin iyo wax-qabad inuu ku soo kordhiyo Somaliland. Ururka WADANI inay Somaliland wada leedahay waxa markhaati ka ah markii la diwaangelinayey degmo iyo gobol cid ka maqnayd midna muu jirin.Markii lacagta diwaangelinta la bixinayey dhammaan dadka reer Somaliland way ka wada qayb-qaateen. Waana markhaati ka ah waa ururkii ugu horreeyey ee si sharci ah isu diwaangeliyo. Lacagtaa la wada bixIyey qayb kasta oo bulshada ka mid ahi waxbay ku lahayd.”

Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu tafaasiil ka bixiyay barnaamij siyaasadeedka ururkooda waxaanu tilmamay in yoolka ururkoodu uu salka ku hayo sidii ay aqoonsi u heli lahayd Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan Somaliland u baahan tahay siyaasiyiin muddakar ah oo ka dhabayn kara hilimilada Somaliland, isaga oo ugu baaqay dadka ku loolamaya saaxadda siyaasadda inay ilaaliyaana Nidaamka iyo sharcigga tartanka xorta ah. .

Dr. Idiris Xaaji Nuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dadweynaha reer Berbera u soo jeediyey inay si buuxda u taageeraan urur-siyaasadeedka WADANI, isaga oo tibaaxay in ururkani haddii uu soo baxo inuu wax badan ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay tabanayaan dadweynaha ku nool deegaanka Berbera.

Geesta kalena Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu khudbado u jeediyay dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka ku teedsan jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera oo ay ka mid yihiin Dacar-budhuq iyo Abdaal, kuwaasi oo u muujiyay taageero iyo kalsamaan weyn

Guddoomiyuhu waxa uu dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay sida diiran ee aad u soo dhawayseen Weftiga Urur Siyaasadeedka Wadani, waxanan idin sheegayaa inaan Degmada Laas-geel igu cusbeyn ee ay tahay Magaaladaydii, Ururkan aanu wadaana waa mid dadku wada leeyahay.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka Laas-geel waxaanu yidhi “Hadaanu nahay Odayaasha, dhalinyarada, haweenka iyo wax-garadka Degmada Laas-geel waxaanu si diiran u soo dhawaynaynaa Ururkan Wadani ee halkan lagu soo bookhday, halkaasna ka sii wada, anaguna waanu idin garab taaganay.”

Waxa kale oo weftiga Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI hadalo xog waran iyo mahad celin ah u jeediyay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Abdaal ee degmada Mandheera.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.OrgHargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com