Dawlada Hoose ee Hargaysa Oo Wadooyin Badan Ka Hirgelisay Caasimada

Hargaysa (Somaliland.Org):- Dawlada hoose ee Hargaysa ayaa sanadkan degmooyinka iyo xaafadaha caasimada ka hirgelisay wadooyin badan oo ay qaarkood dhamaadeen halka kuwo kalena hada gacanta lagu hayo.

Eng. Kayse Xasan Fidhin, oo ah Injiineerka guud ee wadooyinka dawlada hoose ee Hargaysa ayaanu ka waraysanay wadooyinka ay ilaa hada ka hirgeliyeen caasimada sanadkan sii dhamaanaya ee 2011-ka iyo degmooyinka ay ku kala yaalaan.

Eng. Kayse waxa uu noo sheegay intii lagu jiray sanadkan 2011-ka in ay degmooyinka iyo xaafadaha caasimada ka hirgeliyeen wadooyin badan, kuwaasi oo ay qaarkood dhamaystireen kuwo kalena ay gacanta ku hayaan isla markaana ay ku rejo wayn yihiin in ay dhamaystiraan inta lagu gudo jiro sanadkan ama horaanta sanadka fooda inagu soo haya.

Eng. Kayse Xasan Fidhin, isaga oo faahfaahin ka bixinaya tirada wadooyinka ay dhamaystireen iyo kuwo ay ku gudo jireen iyo meelaha ay ku kala yaalaan, waxa uu yidhi “Wadooyinka noo socda sanadkan 2011, way badan yihiin xaafad walba waanu ku dhex jirnaa, waaxda gacan libaax waa afar wado, afartaa wado mid imika ayay gebagebo tahay, waxaanu jecel nahay in ay in ay saddex naga dhamaadaan inta aan la gaadhin bisha January ee sanadka soo socda, oo mid hada ayaabay diyaar tahay oo daamurkii lagu shubayaa.Ta labaadna waa degmada 26-ka June oo waa wadada boqol iyo kontonka oo 2km ah oo ciidii ayaa taala, inta lagu jiray sanadkan 2011-ka, 2km oo hore, 2km oo danbena imika ayaanu ku jirnaa. Ta kalena waa wadada degmada Axmed dhagax iyadna waxaa noogu jirta 1km iyo 500m, oo iyadna imika banaynteedii lagu jiro.
Ta kalena waa wadada xaafada Maxamuud Haybe laba wado oo dhaadheer ayaa ka socda xaafadaasi midi waa 2km, midna waa 1km iyo 800m, taana caro kaawadii ayaa taala oo waxaanu sugaynaa daamurkii, haddii aanu daamurku dib nooga dhicin waxaanu ku wadnaa bisha koowaad ee sanadka cusub ee 2012-ka aanu hawsheeda dhamayno.Wadada Jig-jigayarna imika way socotaa caro kaawadii dhamaan way wada taalaa jaygii uunbaa u dhiman daamurkiina wuu yaalaa, iyadna waxaanu rejaynanaa in aanu dhamayno horaanta bisha december.”

Eng. Kayse waxa kale oo uu sheegay in ay hirgelinta wadooyinkani ka qayb qaateen dadwaynaha degan xaafadaha ay ka socdaan, isaga oo xusay in ay dadwaynuhu si aad ah ugu baraarugsan yihiin una danaynayaan wax qabsiga. “Xaafad aanu abaabul ka jirin ma jirto xaafadahaasi ay wadooyinku ka socdaan, qaar badan oo ka mid ah daka ayaanu leenahay waxa aad haysaan dib inoogu dhiga oo inoo haya jaanis aanu u helno eh, waanagan kuwii kale gacanta ku hayna, markaa dadwaynaha xaafadaha aad iyo aad ayaan ugu amaanayaa hawshaasi.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com