Madaxweyne Geelle Oo kulan saacado socday la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Maadaxweyne Geelle iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo waxay yeesheen kulan socday saacado oo aanay cidina ku wehelin waxaana la sheegay inay labada Hoggaamiye si mugleh u faaqideen iskaashiga labada qaran ee dhinacyada ammaanka,, Ganacsiga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda.
Waxa kale oo labada Madaxweyne ay ka wada hadleen sidii loo dhamaytiri lahaa heshiisyadii iskaashi ee labada dal kal hore qalinka ku duugeen.

Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ee ku dhow dhowaa kulankaasi waxay intaasi ku darayaan in labada Madaxweyne ay isku waafaqeen arrimihii ay ka wada hadleen oo dhan isla markaana ay wasiirro ka tirsan labada dal loo xil saari doono hirgelinta iskaashiga labada dal.

Dhinaca kale, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti u sameeyay madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii kulan kale oo qado-sharaf ahaa.

Madaxweyne Geelle wuxuu Madaxweyne Siilaanyo kaga horyimid barxadda hore ee Madaxtooyada Jabuuti waxaanu u soo galbiyay xafiiskiisa isla markaana uu u qaabiley si maamuus sare ka muuqday.

Sidoo kale, Raysal wasaaraha dalka Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta ayaa Sabtidii kulan qado sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Somaliland.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com