Raysal Wasaaraha Jabuuti oo Kulan Qado-sharaf ah u sameeyay Weftigii Madaxweynaha Somaliland

Jabuuti (Somaliland.Org)-Raysal Wasaaraha dalka Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta ayaa maanta kulan qado sharaf ah ugu sameeyay weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Huteelka Kambiski ee magaalada Jabuuti.

Kulankan qado-sharafta ah oo uu Raysal Wasaaraha Jabuuti u sameeyay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa ka soo qeyb galay Wasiiro iyo madax sar sare oo ka
dalka Jabuuti. Waxa kale oo goob joog ka ahaa Ganacsato reer Jabuuti ah.

Kulankaasi ayaa qeyb ka ah soo dhaweynta ay xukuumadda Jabuuti ku maamuustay weftiga Madaxweynaha waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda weftigu ay kulamo heer sare ah la yeeshaan Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Golahiisa Wasiirradda.
Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti waxa ay ka wada hadli doonaan sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii ku saabsanaa iskaashiga labada qaran ee ay wada jirka u kala saxeexdeen sanadkii la soo dhaafay. ee la xidhiidhay dhinacyada nabadgelyada, Ganacsiga iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

Weftiga Madaxweynaha Jabuuti ku sugan waxa xubno ka ah Wasiirradda Arrimaha dibada, Madaxtooyadda, Kalluumaysiga, Macdanta iyo Biyaha, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Wakiilada iyo Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde.

Weftiga waxa xalay madaarka jabuuti loogu soo dhaweeyay meeqaam sare waxaana Madaarka kaga hortagay Raysal Wasaaraha dalkaasi Md. Dalayta Maxamed Dalayta iyo Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo Boosaha.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com