Khubaro dalka u yimid sahmin halkii la dhigi lahaa idaacada cusub ee dalka laga hirgelinayo

Hargaysa (Somaliland.Org):- Khubaro ka socda shirkada la yidhaaho PPF oo ka shaqaysa rikibida iyo hirgelinta idaacadaha iyo telefishanada adduunka oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa shalay soo gaadhay dalka, si ay u sahmiyaan halkii la dhigi lahaa idaacada weyn ee dalka laga hirgelin doono.

Injiineeradan khubarada ah ee ka socda shirkada PPF oo ka soo degay madaarka magaalada Berbera ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan wasaarada war faafinta iyo wacyi gelinta Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha waaxda farsamada ee idaacada Radio Hargaysa Eng. Axmed Saleebaan Wayne, Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada warfaafinta, madaxa barnaamijyada ee idaacada Radio Hargaysa iyo xubno kale.

U jeedada socdaalka ay Somaliland ku yimaadeen khubaradan ka socda dalka Shiinaha oo ah injiineero ku xeel dheer rakibaada iyo hirgelinta idaacadaha iyo telefishanada ayaa la sheegay in ay Somaliland u yimaadeen sidii ay u rikibi lahaayeen isla markaana balaadhin ugu samayn lahaayeen idaacada cusub ee dalka la keenayo, taasi oo la sheegay in ay ka baaxad waynaan doonto dhinaca dhegaysiga idaacada hada jirta oo dhegaysigeedu ku kooban yahay caasimada Hargaysa, waxaana lagu wadaa idaacadaa cusub ee dalka la keenayo in dhegaysigeedu gaadho dhamaanba gobolada iyo degmooyinka dalka iyo wadamada jaarka ah.
Masuuliyiintan ka socday wasaarada warfaafinta ee madaarka Berbera ku soo dhaweeyay khubaradan ka socda shirkada PPF ee laga leeyahay dalka Shiinaha, ayaa uga mahad naqay khubaradan socdaalkan shaqo ee ay Somaliland ku yimaadeen.

Agaasimaha idaacada qaranka ee Radio Hargaysa Eng. Axmed Saleebaan Wayne, oo ka mid ahaa masuuliyiintii soo dhaweeyay xubnahan khubarada ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay socdaalkan shaqo ee Somaliland ku yimaadeen khubaradani, isaga oo xusay in farxadwayn u tahay shacabka Somaliland in ay helaan idaacad dhegaysigeedu wada gaadho guud ahaanba dalka iyo wadamada jaarka ah.

Madaxwaynaha Somaliland balan qaadyadiisii waxaa ka mid ahaa in la keeno idaacad wayn oo dalka oo dhan wada gaadha, markaa imika waxaa bilaabmay wejigii koowaad ee idaacadaasi wayn ee wadankeena la keenayo, waxaanad aragtaan in ay maanta (shalay) inala joogaan khubaradan ka socda shirkada aanu qandaraaska hirgelinta idaacadaasi cusub la galnay, shirkadaasi oo ah shirkad shiine ah oo la yidhaahdo PPF, markaa waxay u yimaadeen in ay nala eegaan, iyada oo hore warlaliyihii loo sameeyay gacantana lagu hayo, markaa socdaalkoodani wuxuu ku salaysanyahay sidii loola jaan qaadi lahaa cimilad aiyo kala saraynta dhulka oo lagu qaabayn doono warlaliyahani nooca uu noqon doono.” Ayuu yidhi Md Axmed.

Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada warfaafinta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in khubaradani ay hirgelinayaan idaacad wayn oo dalka oo dhan wada gaadha taasi oo wax wayn ka tari doonta baahida ay dadka Somaliland u qabaan in ay helaan idaacad dalka oo dhan wada gaadha.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay madaxa shirkada Brothers Cable oo ah shirkada ku guulaysatay in ay dalka keento idaacad wada gaadha, isla markaana ay arrintani kala tashadeen khubaro ku takhasusutay rikibida idaacadaha iyo telefishanada aduunka, waxaanu xusay in ay hada bilaabi doonaan qiimayntii koowaad ee idaacada Radio Hargaysa sii loo balaadhin lahaa.

Waxaanu sheegay madaxa shirkada Brothers Cable in shirkadani ay idaacado iyo telefishano ka hirgelisay lix iyo toban dal oo aduunka ka mid ah.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com