Guddi Dhex dhexaad ah oo awood loo siiyay soo afjarida shaqaaqaddii Ka dhacday Magaalada Ceerigaabo

Hargeysa (Somaliland.Org)-shir ballaadhan oo maanta lagu qabtay hoolka shirarka dawlada Hoose ee magaalada Ceerigaabo ayaa si rasmiya loogu dhaariyey Laba iyo Toban Xubnood oo ah Gudi dhex dhexaadineed oo loo saaray soo afjarida wixii dakano ah ee ay kala tirsanayaan laba beelood oo walaalo ah oo shaqaaqo iyo dilal isku geystayahi gudaha magaalada Ceerigaabo isla markaana ay si rasmi ah ula wareegeen furdaaminta hawshaasi.

Shirkii dhaarinta Gudidan dhexdhexaadinta labada dhinac waxa ka qayb galay wefdigii ka socday xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha,Ergo ka socota golaha guurtida Somaliland,Beelaha galbeedka iyo Bariga Ceeri-gaabo.iyo ergooyin ka kala yimi Gobolada Togdheer iyo Sool.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Axmed Cabdi Maxamuud ( Xaabsade) ayaa u soo jeediyay labada beelood ee shaqaaqadu dhex martay inay arrintan dar ilaahay uga hawl galaan, isla markaana aanay keenin wax aan meesha ku jirin , waxaanu xusay in haddii hawshani sidaa u dhacdo ay wax waliba u fududaan doonaan sidii xal waara looga dhalin lahaa.
Wasiirku waxa uu sheegay in gudidan dhex dhexaadinta looga baahan yahay in si cadaaladi ku jirto ay arrintan u furdaamiyaan isagoo ku tilmaamay labada dhinac ee xurguftu ku dhex martay magaalada Ceerigaabo ay yihiin wiil iyo abtigii waxaanu soo dhaweeyay go’aankan dhaarta ee Gudida dhex dhexaadka ah kaas oo ka turjumaya sida uu sheegay hab dhaqanka ay bulshadeenu ku soo caano maashay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale oo shirkaasi ka hadlay ayaa ugu u mahad celiyay dhammaan intii ka qayb gashay isu soo dhoweynta iyo tur-xaan saarka labada beelood, waxa sheegay inay xukuumadda Somaliland ka go’an tahay sidii xal nabadeed oo waara looga dhex dhalin lahaa dhinacyadii ay mashaqadu ka dhex dhacday , isla markaana khilaaf kasta oo jiro lagu dhamayn doono dariiqa wadahadalka.

Wasiirkaa daakhiligu waxa uu sheegay inuu Gudidan dhex dhexaadka ah siiyay awood maxkamadeed oo dhamaystiran, waxaanu tilmaamay in go’aanada ay gaadhaan ay u arkaan kuwo xal buuxa u noqonaya wax kasta oo tabasho ah oo ay kala qabaan labadan dhinac, isagoo intaa raaciyey inaanay ceeri-gaabo ahayn afar beelood, ee ay tahay hal beel ah oo reer somaliland ah

Waxa xafladaasi ka hadlay, Boqoro, salaadiin, Cuqaal, iyo aqoon yahano ka soo kala jeeda labada dhinac, oo sheegay sida ay ugu qanacsan yihiin halka ay hawshani marayso , iyadoo madashii kulankaasi lagu dhaariyay 10 xubnood oo loo saaray qabyo tirka khilaafka labadan beelood iyo laba xubnood oo xoghaymo u noqonaya Gudidan dhexdhexaadka ah.
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Ergooyinka kale ee ka yimid gobolada Sool iyo Tog-dheer.waxaanay soo dhoweeyeen go’aanka u adeegaya dhinaca nabada iyo sida ay labada beelood u qaateen nabadda aan shuruuda ku xidhnayn.

waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Duqa Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hure oo soo dhaweeyay hawlgalkan nabad ka aslaaxinta magaalada Ceerigaabo .
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay af-hayeenka xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay inay waajib tahay in la aaso wixii dhacay isla markaana laga taxadiro wax kasta oo keeni kara inuu dhiig daato.
waxa uu afhayeenka xisbiga kulmiye ku nuux nuuxsaday baahida keentay abuurista gudidan dhex dhexaadka ah oo kala guri doonta wixii dhibaato h ee u dhaxeeya beelaha koonfurta iyo waqooyiga Ceerigaabo.
Gudoomiyaha Gudidan dhexaadinta hawl galkan Siciid Maxamed Ismaaciil (Siciid Bidaar) ayaa ilaahay ka baryay inuu ku soo asturo hawshan balaadhan ee loo xil saaray waxaanu sheegay in iyagoo ilaahay la kaashanaya ay gudo geli doonaan dhamaystirka qadiyadan.

Dhinaca kale, waxa uu wasiirka Arrimaha Guduhu xadhiga ka jaray dhismaha hoolka shirarka ee dawlada hoose ee magaalada Ceerigaabo.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com