Badhasabka Gobolka Togdheer waa Muwaadin uu Taagan Danta Horumarka iyo Nabadgelyada Gobolka

Sidaan La Socona waxey Dowlada Hoose ee Gobolka Togdheer ku hayaan Gobolka Togdheer Boob Qaawan oo aanay Cidna uu aabo yeelayn…”Qalinkii Jaamac C/Laahi Biime”

Waxaan Salaamaya Saaxafada Somaliland ee Kala Gedisan! Intaas Ka dib waxaan doonaya inaan Maanta Ka Hadlo Gobolka Togdheer oo aad Mooda inay Gacanta uu Gashay Koox Maffia ah siday doonan Ka Yeela, Halka Xalka keliya ay Haystaan reer Togdheer yahay Badhasbka Gobolka Mudane Yaasin Maxamoud Cabdi oo Nin Muwaadin ah!

Sidaan La Socona waxey Dowlada Hoose ee Gobolka Togdheer ku hayaan Gobolka Togdheer Boob Qaawan oo aanay Cidna uu aabo yeelayn, iyago Dhulki Wada banaana Ootay, Qaarna Xaraashay Iyago Ka Iibiyay Ganacsato Ka Kala Timi Daafaha Gobolada Somaliweyn oo dhan, iyago sida la sheegayo Macal Dhulal Dowlado lahayd oo aha Dhul Dan Guud in Laga Iibiyay Dad Lagu sheegay Reer Konfureed aan La Garanayn inay Yahin Kuwi sheegan jiray Al-shabaab iyo Cid kale.

Waxaan La Ogyahay In Maanta Dhulaalka Banaan Dadyowgi reer Somaliland leeyahin, in Haddan Waraaqo Foorjeri ah laga Daba Sameeyay oo Laga iibiyay ila 4 Qof oo kale si halkaas Muran iyo isqabqabsi looga abuuri laha, halkaas Dagaal Ka dhici laha ay iskaga Horyimaadan Dadweynaha Reer Burco.

Haddaba Badhasbka Somaliland Mudane Yaasin Maxamoud aya Nin Wadani ah oo Mar kasta uu Taagan Horumarka Degaanka iyo Nabadgelyada sido uu qabsaday Maamulka Gobolkana waxu Horumar Laxaad leh ka sameeyay Xagga Nabadgelyada Goboka Isago ay Xidhiidh wanaagsani ka Dhaxeeyan Taliska Ciidamada iyo Booliska Gobolka iyo Weliba Dadweynaha Reer BURCO.

Badhasabka waa Ninka Keliya Ku wargeliya Dadweynaha Had iyo jeer waxa ka qabsoomaya Gobolka isago aan laga waayin Dhinaca Saxaafada marnaba, isago Ku Hawlan Sidi Xukummada Somaliland looga heli laha Qaybta ay reer Togdheer Mar Kasta Xaqa uu leedahay.

Hadaan Nahay Qurbo-jooga reer Togdheer waxaan aad uu Tageersanahay Badhasabka Gobolka Togdher Mudane Yaasin Maxamoud Cabdi iyo dedaalko Ka wado Gobolka Togdheer.

Jaamac C/Laahi Biime
Unitedkingdo