Wasiirka Duulista Oo Addis ababa kula kulmay masuuliyiinta shirkada Itoobian Airline

Adis ababa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta magaalada Addis ababa kulan kula yeeshay madaxa shirkada diyaaradaha ee Itoobian Air-lines, Wallo Gabra Maryam, waxaanay isla naaqisheen sidii dib ugu furmi lahaa duulimaadkii shirkada Itoobiyaan Air-lines ku iman jirtay Somaliland.

Kulankan ayaa wasiirku xog waran balaadhan kaga siiyey masuuliyiinta duulimaadka rayidka ah ee Itoobiya, hawlaha shaqo ee madaarrada Somaliland isagoo xusay in shuruudaha iyo adeegyada caalami ahaan looga baahan yahay madaarrada ay haatan ka hir galiyeen garoomaaada diyaaradaha ee Somaliland,kuwaasi oo suurta galinaya in ay shirkadaha kala duwan ee diyaaraduhu ka helaan adeegoodda.

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu masuuliyiinta shirkada itoobiyaan Air-line u faah faahiyey sida diyaarada Itoobiyian Airlines ay door weyn ugu laheyd isku socodka labada dal.Maryam, ayaa isn
Dhinaca kale, madax shirkada dayaaradaha ee itoobian Airlines Wallo Gabra a sheegay in si dhaqso ah ay shirkadu u bilaabi doonto duulimaadkeedii Somaliland ugu gooshi jirtay, waxaanu intaasi raaciyey dhawaan in ay Somaliland u soo diri doonaan wefti ka hawlgala sii ambo qaadista arrintaasi.

Kulankaasi waxa wasiirka duulista hawada ku wehelinaayey safiirka Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya ambassador Aadan Nuux Dhuule.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com