Madaxweyne Ku xigeenka oo dhambaal Hambalyo ah u diray shacbiga sanadka cusub ee islaamka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa caawa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiweynaha Somaliland guddo iyo dibadba farxada curashada sanadka cusub ee islaamka ee taariikhda Hijriyada 1433 oo ku beegan maalinta bari oo Bisha Muxuxaram ay kow tahay.

Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada, waxaanu Madaxweyne Ku xigeenka Somalilan shacbiga Somaliland ILAAHAY uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu u rajeeyay shacbiga Somaliland inay nabadgelyo iyo horumar ku gaadhaan sanadkan sanadkiisa.

Sidoo kale, shaqaalaha dawlada iyo ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha ayaa maalinta bari fasax ka ah shaqooyinka sanadkan cusub dartiis.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com