Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo galabta soo gaadhay Itoobiya

Addis ababa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay ee socdaalka shaqo iyo fasax ku joogay dalka Ingiriiska, ayaa galabta soo gaadhay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Weftiga oo ay madaarka ku soo dhaweeyeen Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya iyo masuuliyiin kale, waxaanay sheegeen inay caawa ku hakan doonan Addis ababa isla markaana ay maalinta bari ee Jimcaha ay u kicitimi doonaan dalka Jabuuti, halkaasi oo la filyo inay wada hadalo iyo kulamo heerkoodu sareeyo ay kula yeelan doonaan Madaxda xukuumadda Jabuuti.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ammaan u jeediyay jaaliyada Somaliland ee wadanka Ingiriiska oo uu ku tilmaamay kuwo u abaabulan inay taageeraan qaranimada Somaliland iyo xukuumadooda, waxanu uga mahad celiyay sidii ay u soo dhaweeyeen weftigii Madaxweynaha ee uu ka midka ahaa.
Waxa kale oo uu xusay inay kulamo la yeesheen Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska iyo xubno ka mid ah saaxiibada Somaliland ee wadankaasi, kuwaasi oo uu kala hadlay horumarinta danaha labada dal.
Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisan ku weheliya Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), waxa kale oo dalka Jabuuti ku sii sugan oo ku biiraya weftigan Wasiirrada Madaxtooyadda, Kalluumaysiga, Macdanta iyo biyaha, Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda Iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com