Jabuuti iyo Somaliland Oo ka wada hadlay iskaashiga khayraadka baddaha

Jabuuti (Somaliland.Org)- Wasiirka Beeraha,Taranka xoolaha, khayraadka badda iyo Kalluumaysiga Jabuuti Md. Maxamed Axmed Cawaalle (Maxamed Soomaali) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac (Cismaan (Geel jire ) oo ka mid ah Xubno Wasiirro ah oo socdaal shaqo ku jooga Jabuuti.

Kulankaasi oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa labada wasiir ay ka warameen nuxurka wada hadaladoodu ku saabsanaayeen.

“Waxaanu ka wada hadlaynay sidii aynu khayraadka kalluumaysiga labada wadan uga wada faa’iidaysan lahayn, sidii aynu iskaga kaashan lahayn waxyaabaha qaranba qaranka kale kaga dwuan yahay ee ka dhiman uga faa’iidaysan lahaa,”ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Md. Cabdilaahi Geel-jire.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu ka wada hadalay dhinaca suuq-geynta kalluumaysiga iyo sidii xarun caafimaad loo samayn lahaa, markaa waxaanu wasiirka Jabuuti isla gaadhnay inaanu guddi farsamo oo aqoon yahano ah oo labada wasaaradood ka shaqeeya sidii ay u dhamaystiri lahaayeen is fahamka aanu gaadhnay si aanu marka dambe u saxeexno markay dhamaystiraan.”

Wasiirka Kaluumaysigu wuxuu sheegay in wasaarada beeraha iyo kalluumaysiga Jabuuti marti qaaday aqoon yahano ka tirsan wasaaradiisa oo dhamaystirka iskaashigan kala shaqayn doona.

Sidoo kale, Wasiirka Beeraha,Taranka xoolaha, khayraadka badda iyo Kalluumaysiga Jabuuti Md. Maxamed Axmed Cawaalle oo ka hadlay kulankan wuxuu yidhi “Waxaanu ka sheekaysanay wixii iskaashi ah ee labadayada wadan noo gaar ah iyo sidii aanu uga faa’iidaysan lahayn khayraadka badda isla markaana aanu u samayn lahayn wax isku kaaya xidha.”

“Waxaanu doonaynaa inaanu go’aano gaadhno bilaha soo socda haddii ALLE yidhaahdo,”ayuu yidhi Md. M axamed Soomaali.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com