Wasiirul dawlaha khaarajiga oo ka qayb gashay shirkii Arab-ta iyo Geeska Africa ee Qatar

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Mohamed-Rashid Sheikh Hassan ayaa ka qayb galey Shirkii Carabta iyo Geeska Africa oo loogu magac darey ” Arabs and the Horn of Africa: The dialectic of Regional Proximity and Affiliation” Shirkii wada hadalka iyo is fahamka mandaqadda Geeska Africa iyo Carabta. waxaana la soo qaaday […]

Guddida Diwaangelinta Oo xukuumada ugu baaqay inay wax ka qabato ururkii olale gala sharci la’aan

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida diwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranku waxay amar ku bixiyeen in ururada siyaasaduu aanay samayn karin wax olole iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah ka hor inta ay ka qaadanayaan ogolaanshaha ku meel-gaadhka ah ee ay bixinayso guddidoodu. Sidaasi waxaa lagu sheegay shir jiraa’id oo Guddida diwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranku […]

Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain Oo ka hadlay aqoonsiga Somaliland

London (Somaliland.Org)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Britain William Hague ayaa go’aan ka gaadhista qadiyadda aqoonsiga madax banaanida Somaliland dib ugu riixay ilaa inta laga adkaanayo kooxaha argagixisada ah ee ay ka midtahay Al-Shabaab. Mr. Hague oo ka qayb-qaatay Dood Aqalka hoose ee Baarlamaanka UK dorraad ka yeeshay arrimaha Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, doodaas oo ay […]

Urur siyaasadeed la magac baxay Jamhuuriga oo lagaga dhawaaqay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay Jamhuuriga ayaa maanta lagaga dhawaaqay xaflad loo sameeyay furitaankiisa oo ka dhacday Huteelka Imperial ee Caasimada Hargaysa. Waxa furitaankii urur siyaasadeedkan ka qayb galay Siyaasiyiin, Xildhibaano, madax dhaqameedyo iyo dadweyne kale. Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ahaa gudidiii uu madaxweynaha Somaliland u xil saaray furitaanka ururada siyaasada […]

Madaxweyne Geelle Oo kulan saacado socday la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Maadaxweyne Geelle iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo waxay yeesheen kulan socday saacado oo aanay cidina ku wehelin waxaana la sheegay inay labada Hoggaamiye si mugleh u faaqideen iskaashiga labada qaran ee dhinacyada […]

Wasaaradda Shaqada oo Dalka oo dhan ka bilowday olale socon doona 16 maalmood

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxay ku baaqaysaa in la joojiyo dhammaan tacadiyada ka dhanka ah dumarka Somaliland” Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa bilowday olale socon muddo 16 maalmood ah oo ku wajahan la dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah Haweenka iyo qeybaha nugul ee bulshada. Wasiirka wasaarada shaqada Marwo Ilhaan Maxamed […]

Raysal Wasaaraha Jabuuti oo Kulan Qado-sharaf ah u sameeyay Weftigii Madaxweynaha Somaliland

Jabuuti (Somaliland.Org)-Raysal Wasaaraha dalka Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta ayaa maanta kulan qado sharaf ah ugu sameeyay weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Huteelka Kambiski ee magaalada Jabuuti. Kulankan qado-sharafta ah oo uu Raysal Wasaaraha Jabuuti u sameeyay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa ka soo qeyb galay Wasiiro iyo madax sar […]

Madaxweyne Ku xigeenka oo dhambaal Hambalyo ah u diray shacbiga sanadka cusub ee islaamka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa caawa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiweynaha Somaliland guddo iyo dibadba farxada curashada sanadka cusub ee islaamka ee taariikhda Hijriyada 1433 oo ku beegan maalinta bari oo Bisha Muxuxaram ay kow tahay. Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo […]

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii oo caawa si Meeqaam Sare ah Loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa caawa fiidkii si meeqaam sare loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti ee aynu dariska nahay. Weftiga Madaxweynaha oo ka degay madaarka Magaalada Jabuuti 6:15 daqiiqo, waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Raysal wasaaraha Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta, Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo boosaha […]

Shirkadda Dahabshiil oo ka Qayb-gashay Shir Caalami oo lagaga Hadlay Waxtarka Qurbe-Joogta Dunida

Hargeysa (Somaliland.org) – Shirkadda Dahabshiil ayaa ka qayb-gashay shir Caalami ah oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isla markaasna lagaga hadlayay kaalinta Qurbe-joogta dunidu ka qaataan horumarinta dalalkooda. Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa shalay Saxaafadda u sheegay isaga oo jooga magaalada Hargeysa, in shirkan ay soo […]

Wasiirka Duulista Oo Addis ababa kula kulmay masuuliyiinta shirkada Itoobian Airline

Adis ababa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta magaalada Addis ababa kulan kula yeeshay madaxa shirkada diyaaradaha ee Itoobian Air-lines, Wallo Gabra Maryam, waxaanay isla naaqisheen sidii dib ugu furmi lahaa duulimaadkii shirkada Itoobiyaan Air-lines ku iman jirtay Somaliland. Kulankan ayaa wasiirku xog waran balaadhan kaga siiyey masuuliyiinta […]

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka warbixiyay Socdaalkii uu ku soo maray sadex gobol

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu ku soo maray gobolada Saaxil, Togdheer iyo Daad-madheedh (Oodweyne), waxaanu sheegay inay dadweynuhu dhaliilo badana u soo jeediyeen ammaan badana u soo jeediyeen. Guddoomiyaha oo shalay ka hadlay wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Berbera. Guddoomiyaha […]