Urur siyaasadeedka SSC oo Lagaga dhawaaqay Hargeysa iyo maxaabiistii kalshaale oo la cafiyay

Haragysa (Somaliland.Org):- Xoghayihii  war faafinta iyo birmadka ee  maleeshiyadii  SSC    ee ka soo horjeeday qadiyada gooni  isu  taaga Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaana garabkii nabada qaatay Kayse Cabdi Yuusuf  ayaa maanta magaalada  Hargaysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo la magac  baxay  SSC. Mr Kayse waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad baloaadhan oo  lagu qabtay hotelka […]

“Waxaan leeyahay Cirro Inqilaabkaagu UCID buu ku ekaa imikase waxaad isku dayaysaa sadexda xisbi”

Hargeysa(Somaliland.Org)- Xisbiga UCID ayaa  jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi oo sadexda xisbi qaran u soo jeediyay inaanay ka baqan ururada cusub oo ay tartanka la galaan. Xisbiga UCID waxay ku eedeeyeen  Guddoomiyaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI  inuu xiligan inqilaab ku wado sadexda xisbi […]

Madaxwayne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Madaarka Hargaysa

Haragysa  (Somaliland.Org):- Madaxwayne ku xigeenka  Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil  (Saylici), ayaa maanta  xadhiga ka jaray mashaariic  laga hirgeliyay madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port ee magaalada Hargaysa iyo dib u habayn lagu sameeyay dhismeyaasha madaarka.  Mashaariicdan  kala duwan ee laga hirgeliyay madaarka Hargaysa  ayaa  isugu jira dib u habayn lagu sameeyay  qqar […]

Xisbiga UCID Oo Cayimay Shirweynihiisa sadexaad

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta mudeeyay xiliga la qaban doono shirweynaha sadexaad ee xisbigaasi.sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyuhu wuxuu u cayimay shirweynaha sadexaad inuu caasimada Hargeysa ku qabsoomo 7-da Bisha December ee fooda inagu soo haysa. Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani […]

Golaha Guurtida Oo dood ka yeeshay arrimaha bulshada kuna baaqay in dalka la keeno idaacad weyn

Hargeysa (Somaliland.Org)-Mudaneyaasha  Golaha Guurtida Somaliland ee ayaa fadhigoodii maanta  dood ka yeeshay arrimaha bulshada kaasi oo ah qodobka shanaad ee ajandaha kalfadhigoodan  45-aad. Fadhigaasi oo uu guddoominayay Ku simaha gudoomiyaha ahna Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Md. Siciid Jaamac Cali waxa fadhiga ka hadlay dhawr Mudane. Marwo  Faadumo Jaamac Ileeye oo ka hadashay fadhigaasi […]

Wasiirka Daakhiliga oo Dhagax dhigay dhisme dabaq ah oo Dawlada Jabaan u dhisayso laanta Socdaalka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha  Md.Maxamed Nuur Caraale  (Duur), ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo dabaq ah oo  loo laanta socdaalka Somaliland.  Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale  oo uu weheliyay Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay dhagax dhigista dhismahan oo ay dawlada […]

“Sacad wuxu Wakiil u ahaa Somaliland toban sannadood” Waraysi Safiirka Somaliland u fadhiya USA

Waa nasiib darro in maanta Sacad aflagaadeeyo Congressman Payne; Payne waa Congressmanka Maraykanka ah ee yimi Somaliland, waa ninka keliya ee mooshin tageeraya Somaliland ka ansixiyay parlamaanka Maraykanka, waa ninka keliya ee ku casumay barlamaanka Maraykanka laba madaxwayne ee Somaliland (Cigaal iyo Rayaaleba), waa nin marwalba taageera Somaliland. Nasiib darro ninka intaaba Somaliland soo taray, ayuu maanta Sacad ku sheegay inuu cadaw Somaliland u yahay.

Maamule Dugsi Oo waxqabad iyo dedaal ku majeertay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada

“Xildhibaan Nac-nac wuxuu si dhab ah u fahmay  una dabaqay  xilkiisa Wakiilnimo”  Hargeysa (Somaliland.Org)- Maamulaha Dugsiga Hoose dhexe ee Axmed Guray ee Magaalada Hargeysa C/Raxmaan Axmed Xuseen , ayaa sheegay in Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Maroodi-jeex kana soo jeeda xisbiga tallada haya […]

Balli-Gubadle: Xusuusta Maalin ka Mid ah Maalmihii Qadhaadhaa (Q:3AAD)

Waxa ay inoo joogtay iyada  oo aanu weerarnay ciidankii dawlada ee Balli Gubadle  qabsaday, hase yeeshee  nasiib darro waa  nalagu soo jabiyay weerarkaas oo aanu ku doonaynay inaanu xoog kaga saarno ciidamadii dawlada ee uu hogaaminayay Janaraal Cabdi Casiis Cali Barre,  casarkii ayaanu isugu soo baxnay meel dhinaca Bari kaga toosnayd Balli Gubadle, waxaana na […]

Golaha Wakiilada oo ansixiyay xeer jidaynaya in 25 jir isku soo taagi karo doorashada D/Hoose

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay wax ka bedelka xeerka doorashada Goleyaasha deegaanka isla markaana ka dhigay da’da isku soo sharixi karta Goleyaasha deegaanka 25-jir. Fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo uu guddoominayay Gudoomiyaha golahaasi Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa ka soo madasha ka soo xaadiray 42 Mudane, […]

Badhasaabka Gabiley Oo Ka Hadlay Baahiyaha Gobolka

Gabiley (Somaliland.Org):- Badhasaabka gobolka Gabiley Cali Aw Aadan Meecaad, ayaa ka waramay baahiyaha kala duwan ee wakhtigan ka jira gobolka Gabiley sida dhinacyada Caafimaadka, nabadgeliyada, biyaha iyo waxyaabo kale oo ka mid ah adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshadu u baahan tahay. Cali Aw Aadan Meecaad, oo weftigii uu madaxwayne ku xigeenka Somaliland  hogaaminayay uga […]

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaaladii Ka Dhacay Killilka Shanaad Ee Dalka Itoobiya

“Ma Jiraan Dad Cadow Ku Ah Nabadgelyada Itoobiya Oo Somaliland Ka Duulay……..Diyaarna Waanu U Nahay In Aanu Kal Shaqayno Dawladda Itoobiya Deminta Colaadaas Haddii Ay Noo Baahato” Wasiirka Arimaha Dibedda Hargeysa (Somaliland,Org)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay Dagaalo Maalmihii u dambeeyey Beelo wada dega Kilalka shanaad ee Itoobiya ku dhex maray Deegaankaasi, kaas […]

Cuqaasha Gabilay Iyo Madaxweyne Ku xigeenka oo hadal kaftan ahi ku dhex maray Madal balaadhan

 “Inta aan Madaxweynaha uga dhowahay gobolka Gabilay waan idiinka soo dhawaan doonaa inshaalaah” Hargeysa (Somaliland.Org)-Chief Caaqil Cabdi Iidle oo ka mid ah cuqaasha gobolka Gabilay Iyo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ereyo kaftan ahi dhex mareen  mar uu Sabtidii weftigii madaxweyne Ku xigeenku ay maamulka gobolka Gabilay kulan kula yeesheen […]

Jaaliyada Jabuuti oo shahaadooyin guddoonsiiyay wasiirrada waxbarashada iyo Madaxtooyada

Hargeysa (Somaliland.Org) Guddoomiyaha jaaliyada Jabuuti ee Somaliland ayaa maanta  guddoonsiiyay shahaado sharafyo wasiirrada madaxtooyada Xirsi X. Xasan iyo waxbarashada Samsam Cabdi, taasi oo uu sheegay in ay ku muteysteen kaalintii ay ka qaateen gurmadkii masiibada daadka ee ka dhacdey dhawaan dooxa Agabar ee waqooyi Hargeysa.  Xafladan lagu xusayay dhacdadaasi naxdinta laheyd ee ay ku nafwaayeen […]

Wasiirka Maaliyada oo soo gabo-gabeeyay tababar ku saabsan diyaarinta miisaaniyada

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa maanta  aqoon isweydaarsi ay ka qayb qadanayeen shan iyo konton xubnood oo ka kala socday hay’adaha dawladda isla markaana loogu gogol xaadhayey habka diyaarinta miisaaniyada ugu soo xidhay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.  Aqoon isweydaarsigan ayaa mudadii uu socday lagaga hadlayay sidii loo fahmi lahaa […]

Ergay Ilyaas Barre Shiil oo ka waramay Socdaal uu Ra’iisul Wasaaraha Kenya Ku Iman Doono Somaliland

Ergaygu waxa uu Somaliland Ku majeertay horumarka ay gaadhay waxaanu sheegay inaanay jirin cid danaynaysa shantii Soomaaliyeed Hargeysa (Somaliland.Org)-Ergayga gaarka ah ee Ra’iisul wasaaraha dawlada Kenya u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Md.Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee dalka Kenya  muddo dheerna ku jiray Baarlamaanka Kenya,  oo socdaal shaqo ku jooga caasimada […]

Golaha Wakiilada oo gudo galay wax ka bedelka xeerka doorashada ee dabarka ku ahaa dhalinyarada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Fadhigii maanta ee  Golaha Wakiilada ayaa Mudanyeyaasha loo qeybiyay mooshin ku saabsan in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka doorashada Goleyaasha deegaanka ee Xeer No: 20, si meesha looga saaro qodobada dhalinyarada ka horjoogsanaya inay ka qeyb galaan tallada dalka. Fadhigii Golaha oo uu Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi […]

Maareeye ku xigeenka cusub ee madbacadda qaranka oo xilkii si rasmiya ula wareegay

Hargeysa (Somaliland.Org)-Maareeye ku xigeenka cusub ee maddbacada qaranka  Jaamac Cabdi C/raxmaan oo dhawaan loo soo magacaabay xilkan ka dib markii uu duruufo isaga u gaar ah iskaga casilay Maareeye Ku xigeenkii hore Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)  ayaa ayaa  si rasmiya ulagala  wareegay xilkii maareeye ku xigeenka Maareeyaha Madbacada qaranka Md. Cali Siciid Raygal maareeyaha madbacadda […]

Wasiirka Xoolaha oo Si Kulul u duray Guddoomiyaha Xisbiga UCID

“ Wasiirku wuxuu Guddoomiyaha UCID ka soo qaaday qof aan mowqif lahayn waxaanu yidhi “Faysal Cali Waraabe maalin Daahir Rayaale ayuu caayayaa maalin wuu ammaanayaa, maalin Jabuuti ayuu caayayaa maalinta kalena Jabuuti ayuu ammaanayaa. Maalin Males Zanawi ayuu caayayaa maalina waxay saaxiib yihiin Shariifka Soomaaliya,”

Gudoomiyaha Baanka dhexe Oo Sheegay inay bilaabayaan qorshe ay ku maal gelinayaan Ganacsatada

  Hargeysa (Somaliland.Org)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta  cod aqlabiyad ah  ku ansixiyay wax ka bedel iyo  kaabis lagu sameeyey xeerka Nidaamka furashada ururuda siyaasadda iyo  ansixinta xisbiyada qaranka. Fadhigan oo uu guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Md.C.raxmaan Maxamed C/laahi ugu horayn waxay mudanayaasha goluhu qodob qodob cod  gacan  taag ah ugu qaadeen lix Qodob oo Xeerka Nidaamka Furashada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka kadib markii  Kaabis iyo Wax ka bedel lagu sameeyay.