Wasiirka Warfaafinta oo Tababar xirfadeed u furay Suxufiyiinta warbaahinta dawladda

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md.Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta tababar u furay Sodon xubnood oo ka mid ah hawl wadeenada wasaaradaasi gaar ahaan Radio Hargeysa, SLNTV, wargeyska DAWAN iyo Wakaalada wararka ee SOLNA.
Tababarkan oo ka qabsoomay xarunta wasaarada isla markaana socon doona muddo laba bilood ah ayaa la sheegay in lagu kobcinayo aqoonta dhinaca saxaafada ee shaqaalaha wasaarada warfaafinta.

Wasiirka oo furitaankii tababarkan hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay xooga saarayaan kor u qaadista aqoonta shaqaalaha wasaarada warfaafinta si ay u gutaan waajibaadka ay qaranka uga mas’uulka yihiin.

Wasiirku wuxuu u soo jeediyay xubnaha aqoon korodhsigan ka qeyb galaya inay ka faa’iidaystaan fursadan isla markaana cilmiga ay kasbadaan ay ku dabaqaan hawl maalmeedkooda shaqo.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Faysal Maxamed Cabdi iyo Maxamed Xasan Cali (Weji) oo ah macalimiinta mudada labada bilood ah casharada bixinaya ,iyagoo ku dheeraaday qiimaha ay warbaahintu ugu fadhido adduunka iyo bulshadeena .

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmil.com