Wasiirka Daakhiliga oo xilkii ka qaaday Xoghayihii Dawlada Hoose ee Hargeysa mid cusubna magacaabay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), ayaa maanta xilkii ka qaaday Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur isla markaana magacaabay Xoghaye cusub.

Wasiirku Arrimaha Guduhu ma uu sheegin wax uu ku sababeeyay xilka qaadista Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Deeq Xirsi Cambuur, waxase uu xilkaasi u magacaabay Mawliid Waris Cabdilaahi oo ahaa Guddoomiye Ku xigeenkii Gobolka Hargeysa oo isla saaka shaaciyay inuu iska casilay xilkan.

Inkasta oo aanay wasaarada daakhiligu ka hadlin sababta xilka looga xayuubiyay Xoghayihii hore ee dawlada Hoose, hase yeeshee laanta Afsoomaaliga ee idaacadda VOA-da ayaa galabta sii daysay in shaqo ka erigiisa ay soo dedejisay hawlgelkii dadka lagaga rarayay cisbitaalkii hore ee jajabka oo keentay dhimasho iyo dhaawac.

Deeq Xirsi Cambuur waxa uu xilka Xoghayaha fulinta dawlada hoose hayay muddo sanad iyo laba bilood ah, waxaana xilkaas u magacaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com