Maayarka Hargeysa Oo ku eedeeyay inay ka cago jiideen inay guuraan Qoysas hawl lagu fuliyay

Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir

Hargaysa (Somaliland.Org):- Maayarka caasimada Hargaysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa ka hadlay dhibaatadii ka dhalatay dadkii laga rarayay xaafada Jajabka, hawl galkaasi oo sababay dhimashada laba qof iyo laba dhaawac ah, ka dib markii uu iska hor imaad dhex maray ciidamada booliska iyo dadkii halkaasi laga rarayay.

 

Maayarkan oo ka hadlayay dhacdadii shalay wuxuu yidhi “Arrintan saaka dhacday aad iyo aad ayaanu uga xunahay, waanan ka tacsiyadaynayaa wiilkaa dhinta qoyskii uu ka baxay, iyo labadaasi dumarka ah ee uu dhaawacu ka soo gaadhay, runtii wax aanu filaynay may ahayn booliska iyo shaqaalaha dawlada hoose oo uu hogaaminayay maayar ku xigeenku ayaa aroortii tegay meesha, taasi oo aanu markii horeba heshiis ku ahayn dadka halkaasi deganaa in ay guuraan, oo kaadhadhkiina la siiyay, meeshii la dejin lahaana la siiyay, iyo gawaadhidii lagu rari lahaana loo soo diyaariyay, markaa rebshadan iyo dagaalkan la bilaabay aad iyo aad ayaanu uga xunahay, la filayayna ma ahayn.”
Maayar Jiciir waxa uu sheegay qorshaha dadkan lagu rarayay in ay hore uga wada shireen wasaaraddaha Caafimaadka, Arrimaha guddaha, dib u dejinta, badhasaabka gobolka iyo dawlada hoose, isla markaana ay diyaariyeen qorshihii dadkaasi lagu rarayay una diyaariyeen meelihii ay degayeen iyo gawaadhidii lagu rarilahaaba, shalayna ay ku balan sanaayeen in la raro oo la dejiyo meelihii ay u diyaariyeen “Dhawr jeer ayaanu ka wada shirnay wasaarada caafimaadka, wasaarada arrimaha guddaha, wasaarada dib u dejinta, badhasabka gobolka iyo dawlada hoose, kuligayo waanu ka wada shirnay sidii dadkaa loo rari lahaa iyo sidii loogu diyaarin lahaa waxyaabaha ay u baahan yihiin, waanu u diyaarinay meeshii ay degayeen kaadhadhkiina waanu siinay, markaa in la raro ayuun bay ahayd ee in dagaal lagala hor yimaado booliska maanaan filayn.” Ayuu yidhi Eng. Jiciir.
Dadka dhulkaasi laga rarayay ayaa iyagu ku dooday in ay diyaar u ahaayeen in ay halkaasi ka guuraan, balse iyaga oo an ka war qabin si kedis ah ay subaxdii hore ciidamada boolisku rasaas ugu bilaabeen, Eng. Jiciir isaga oo arrintaasi ka jawaabayana waxa uu yidhi “Maya taasi ma dhici karto, booliska iyo maayar ku xigeenku waxay meesha u tegeen qorshihii aanu maalintii hore isku ogayn ee ahaa in ay guuraan, lama rari karo ilaa meel aanu u diyaarino, qof kastaana kaadhkii uu meesha ku degayay ayuu haystaa, guri kastana waanu ku sawirnay, maantana balanku wuxuu ahaa in ay guuraan.”
Eng. Jiciir waxa uu tilmaamay in dadka shacabka ah ee halkaasi laga rarayay ay iyagu rasaas kala horyimaadeen ciidamada booliska iyo baabuurtii ay dawlada hoose ugu talo gashay in ay ku rarto, taasina sababtay in ciidamada boolisku ay rasaas ku ridaan waxaanu yidhi “Waxaa imika la noo sheegay booliskuna baadhayaan in ay qoryo la galeen dadkaasi oo ay rasaas booliska ku rideen, markaa sababta ay booliskuna rasaasta u rideen sidaas ayay ahayd. Taas ayaana wax aad iyo ad loola yaabo ah, qoryahaa ay dadku booliska kala horyimaadeen ayaa mushkilada keenay, dawlada hoosena samafal ayay u samaysay dadkan, gawaadhi bay u soo dirtay lagu raro, dhulbay siisay ay degaan, meeshaana dhakhtar baa dadka looga dhisayaa iyaguna ma lahayn meesha oo way ogaayeen waana guryihii dawlada.”
Maayar Jiciir waxa uu sheegay in dadka halkaasi degani ay maalmihii u danbeeyay ka caga jiidayeen in ay ka guuraan dhulkaasi, waxaanu u soo jeediyay dadka iyagu weli halkaa degan in ay sida ugu dhakhsaha badan uga guuraan “Iyaga ayaa ka caga jiidayay maalmahan danbe oo dhan in ay guuraan, todobaad ka hor ayaanu kawada xidhiidhnay waxaanan ku heshiinay in ay sidaas ku guuraan, imikana waxaan dadkaasi u soo jeedinayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan uga guuraan oo ay alaabtooda uga qaataan, oo ay gawaadhida ay dawlada hoose u soo dirtay u raacaan.” Ayuu yidhi maayarka oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com