Madaxweyne Siilaanyo Oo sadex Guddi u magacaabay arrimo kala duwan

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay intii aanu dalka ka dhoofin sii magacaabay sadex Guddi oo uu u kala xil saaray Dhamaystirka colaadii Ceel Bardaalle, Tartanka ciyaaraha gobolada iyo horumarinta Bilicda Caasimada.

Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeedyo uu uu saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) kuwaasi oo u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynuhu isaga oo tixgelinaaya Muhiimada ay tartanada ciyaaruhu u leeyihiin Bulshada Dhalinyarada, wakhtigana ay joogto xiligii la qaban lahaa tartankii Ciyaaraha Gobolada.
Waxa uu magacaabay gudi Wasiiro ah oo wasaaradda Ciyaaraha iyo xidhiidhada Ciyaaraha ka caawisa isla markaana ku hogaamisa sidii ay tartanadani u noqon lahaayeen lagana midho dhaliyo,
waxa uu magacaabay Gudidan. Wasiirka Wasaaradda Dhalin yarada iyo Ciyaaraha , Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Xildhinaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeyo, Xildhibaan Abokor Cabdiraxmaan Good, Madaxa Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka Golayaasha, Maareeyaha Hay’adda Dawrista Tayada ( Quality Control ) Suldaan Axmed Daahir
Sida aad ka warqabtaan, Ciyaaruhu waxay qayb weyn ka qaata dhismaha bulshada iyo horumarinka dhalinyarada waxaanay ahmiyad u leeyihiin Caafimaadka iyo isku xidhnaanta gobolada Dalka.
Sidaa Dartee lag bilaabo taariikhda qoraalkan waxan idiin magacaabay ka hawlgalka ciyaaraha gobolada ee sannadka 2011.
Guddigan waxa Gudoomiye u ahaan doona Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Mudane, Cabdi Siciid Faahiye.”
Dhinaca kale war saxaafadeedka uu madaxweynuhu Guddida ugu magacaabay horumarinta bilicda caasimada waxa uu u qornaa sidan;-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markuu tixgeliyey baahida loo qabo kor uqaadida faya dhawrka, nadaafada iyo Bilicda Caasimada,
Waxa uu magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Barashada, WasiirkaWasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Duqa Caasimada , Badha-saabka Gobolka Maroodi-jeex, Agaasimaha Fulinta Nagaad iyo Agaasiamaha Sonyo.
Sida aad ka warqabtaan Bilicda iyo Muuqaalka Caasimaddu waxay qayb muhiima ka qaata milgaha dawladnimo iyo aayaha horumarka qaranka, sida diinteena suuban dhigayso, Nadaafadu waxay ka mid tahay iimaanka.
Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxaan idiin magacaabay Gudida Bilicda Caasimada waxaana Gudoomiye idiin noqon doona Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).”
Dhinac kale Guddida uu Madaxweynuhu u magacaabay dhamaystirka colaada Ceelbardaalle waxa uu ku yidhi “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ugu mahad haya Duqaydii iyo waxgaradkii ka hawl gashay, hawsha ceel-bardaale ee ku guulaysatay in ay isu soo dhawayso dadka deegaanka, isaga oo u mahad-naqaya Odayada labada Dhinac ee garawsaday in ay nabadu tahay ta guul lagu gaadhi karayo, isaga oo xaqiiqsaday in loo baahan yahay in la qodax tiro oo la dhamaystiro Arrinta shaqaaqadii la baxday ceel-bardaale in la dhamaystiro waxa uu magacaabay Guddida kala ah:
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta , Xildhibaan Cali Maxamed Muuse , Xildhibaan Mahdi Xuseen Caraale, Muxumed Aw Axmed Aadan, Cawil Xuseen Axmed, Xildhibaan Axmed Daahir Jirde, Suldaan Axmed Daahir

Laga bilaabi maanta waxa aan idin magacaabay Gudida Dhamaystirka xalinta Khilaafaadka Ceel-bardaale
Hadaba mudanayaal si ay hawshaasi sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro waxaa Guddidan Gudooomiye u noqon doona Xildhibaan. Cali X.Maxamed Muuse.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com