Golaha Wakiilada oo Aqlabiyad yar ku ansixiyay xeerka Nabadgelyada Guud Iyo Naqdiga C/Qaadir Jirde

“Waa in la hubiyaa halka ay lacagta ururada siyaasada iyo xisbiyadu ay ka imanayso …..”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aan aqlabiyad ahayn ku meelmariyay xeerka nabadgelyada guud iyo la dagaalanka anshaxa xumadda.

Fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha aqalkaasi Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa fadhigaasi ka soo xaadiray 43 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaana xeerkaasi oo si duuduub ah lagu ansixiyay ogolaaday 21 Xildhibaan,17 Mudane ayaa diiday, 3 Xildhibaan ayaa ka aamusay Guddoomiyuhuna muu codayn.

Dhinaca kale, Xildhibaan C/Qaadir Xaaii Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda ayaa naqdiyay xeerkan Goluhu ansixiyay oo uu ku tilmaamay mid aanu goluhu naaqishin kana baaraan degin.
“Waxaan maanta ku maqnayn xeerka Nabadgelyada guud iyo la dagaalanka anshax xumadda xeerkaasi oo ah mid nala jiidh siiyay oo aan laga doodin markaa xeerkaasina wuu idinku soo socdaa haddii aad Suxufiyiinta tihiin dhibaatadiisa iyo xadhigiisuba waana aydun ka baaraan degi doontaan,”ayuu yidhi Md. C/Qaadir Jirde oo ka hadlayay xaflad maanta lagu soo bandhigayay Buug la yidhaahdo “Tilmaamaha Suxufiga Somaliland” oo Machadka IPRT ee Dr. Axmed Xuseen Ciise ku soo bandhigay Huteelka Guulleed ee magaalada Hargeysa.
“Waxay ahayd inay Saxaafaddu xeerkan oo kale ka hadasho oo ay naqdi nagu samayso, waayo aqoontii dalku golaha kuma dhamma, aqoontii dalku dibada ayay taallaa oo idinka (Saxaafada) ayay xataa idinku jirtaa, waxay ahayd in dad khubaro ah u yeedhataan oo xeerkaasi siminaaro ka gashaan ayay ahayd, doorkaase’e wuu maqan yahay. Maanta waa kaasi xeerkaas oo ah 46 qodob duuduubka lagu meel mariyay, runtii waanu tabaynaa kaalintii bulshada iyo saxaafadaba,”ayuu yidhi Md. C/Qaadir Jirde,

Md. C/Qaadir Jirde wuxuu sheegay inuu dhawaan soo jeediyay markii laga doodayay xeerka nidaamka ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka in la hubiyo halka uu ka imanayo dhaqaalaha ururadu ay ku hawl galayo waxaanu yidhi “Waxaan dhawaan soo jeediyay markii laga doodayay xeerka nidaamka ururada siyaasada, in la hubiyo halka axsaabta iyo ururada siyaasadu ay ka helaan dhaqaalaha. Ma aha 25-kan kun ee Dollar xeerka waxa ku qoran in lacagtaasi aanay ka soo bixin qof kaliya jeebadii ee ay wadar loo bixiyo. Waxase ka muhiimsan xisbiga lacag ayaa ku baxaysa waxa laga yaabaa inuu illaa konton xafiis gobolada ka furto oo uu intaas oo shirna qabsado waa in la ogaadaa halka ay lacagtaasi ka imanayso.”

“Waxa dhici doonta haddii aynaan daba gelin inay ururo diiniya, dawlado shisheeye iyo kooxo aan maslaxada dalka wadin ay ka timaado waa waxyaabaha la rabo inaysaxaafaddu daba gasho oo doodo ka dhiibataan,”ayuu yidhi Xildhibaan Jirde.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com