“Lama odhan karo Ugaasku yaanu dhaqdhaqaaqin oo maxkamadi xabsi guri kumay xukumin”

“Ugaasku wuxuu aaminsan yahay qaranimada Somaliland”

“Shirku wuu ka baxsanaa Ugaaska oo waxa laga hadlayay gudiyadii la shaqayn lahaa”

Saylac (DAWAN)-Muuse Carab Dugsiiye oo sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha abaabulka ee Beelaha Gadabuursi, ayaa beeniyay inay jabiyeen heshiiskii todobaadkii hore ay waxgaradka Gobolka Awdal ka gaadheen khilaafkii dhinaca dhaqanka ee ka dhashay muranka ka taagan Ugaasnimada C/Rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi. Muuse Carab waxa uu ku dooday inaanay jirin wax wada hadal ah oo laga yeelanayo Ugaaska waxaanu si adag u difaacay socdaalka uu ku marayo deegaamada xeebta ah ee gobolada Awdal iyo Salal. Muuse Carab oo ka mid ah weftiga Ugaaskaasi la socda oo ku sugan magaalada Saylac oo ay shalay galab gaadheen ayaa xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska DAWAN waxaanu ka hadlay socdaalkooda, waxaanu yidhi“Galabimadii Khamiistii abaarro 2:00 galabnimo ayaanu ka ambo baxnay magaalada Boorame habeenkii jimcihii waxaanu joognay degmada Boon oo si weyn naloogu soo dhaweeyay waxaanan shalay subaxnimadii aanu ka tagnay degmadaasi waxaana aanu sii marnay deegaamo badan oo naloogu qaabilay si diiran. Waxa shalay galab si diiran naloogu soo dhaweeyay degmada Saylac waxaana jiidaas aanu maraynay naloogu qaabilayay si farxad iyo rayn rayn leh waxaana aanu u dhex maraynay si nabadgelyo ah. Waxaanan haddii aanu nahay weftigii Ugaaska waxaanu u mahad celinaynaa dadweynaha ku dhaqan deegaanada aanu sii marnay,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu. “Ugaaskani waa ugaaskii guud ee beelaha Gadabuursi muddo 700 oo sanadood ah ayay saldanada noo hayeen qoyskaasi waxaanay tirsadeen 19 Ugaas, markaa wax cusub ma aha waa ugaaskii soo jireenka ahaa,”ayuu yidhi Muuse Carab Dugsiiye, waxaanu si kulul u beeniyay in habeen hore lagu rasaaseeyay degmada Boon waxaanu yidhi “Walaahi waxaasi waxba kama jiraan kutiri ku teen magaalo weeyaan, cid na rasaaseysay ma jirto , cid nagu buuqdayna ma jirto,dadkayagii iyo dalkayagii weeyaan meesha aanu tagnay si wanaagsanna waa naloogu soo dhaweeyay. Waxaan halkan uga mahad celinayaa ciidanka Somaliland oo na ilaalinayay ammaankayagana sugayay.” Muuse Carab oo aanu weydiinay in socdaalka ugaasku ku marayo deegaamada xeebta gobolada Salal iyo Awdal ay burinayso heshiiskii todobaadkii hore ay wada gaadheen beelaha Gadabuursi ee la xidhiidhay in shirweyne la iskugu yimaado bacdal Ciida carafo inta ka horaysana aanu dhaqdhaqaaq samaynin ugaasku, waxa uu ku jawaabay “Horta lama odhan karo ugaasku yaanu dhaqdhaqaaqin oo maxkamadu xabsi guri kumay xukumin, shirkii dhawayd waxa la isku raacay ugaasnimadiisa, waxaana aan halkan Mahad uga celinayaa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland iyo wasiirradii ka soo qeyb galay arrintaasina way dhammaatay. Shirka guud ee laga hadlayaa wuxuu ahaa shir ka baxsan ugaaska, waxa jirta Gudi Boqol xubnood ah oo Ugaaska lagu darro oo la shaqaysa arrimahaasi ayaa lagaga hadli doonaa. Ugaaskani ma aha mid laga wada hadlayo oo waa mid soo jireena.” Muuse Carab oo aanu weydiinay in Badhasaabka Gobolku uu ku eedeeyay dhinacooda inay jabiyeen axdigii lagu doonayay in lagu doorto ugaaskaasi oo laba beelood oo ka mid ah sadexda beelood ee Gadabuursi ay ka soo horjeedaan waxaanu yidhi “Aad baan uga xumahay hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha Gobolka heshiis aanu ka baxnay iyo qodobo aanu jabinay midna ma jiro.deegaamadayada abaaro ba’an ayaa ka jira waxaanu ugaasku soo indho indhaynayaa xaalada dadka iyo duunyada wax dhibaato ah oo uu wadaana ma jiro waxa uu doonayaa in marka uu soo eego uu gurmad ka geysto salaadiintan hadlaya ee na eedeynayaana iyaguba way tageen deegaamada xeebta.” Muuse waxa kale oo aanu weydiinay waxa uu kaga jawaabayo in dad badani ay aaminsan yihiin in Ugaaskani yahay mid ka soo horjeeda qaranimada Somaliland, waxa uu yidhi “Waxaan u sheegaynaa dhammaanba ummadda reer Somaliland oo aan u cadaynayaa in Ugaaska iyo dadka la socdaba waxa ka go’an midnimada Somaliland iyo walaalaynta bulshada Somaliland. Waxaanan leenahay Somaliland ha noolaato oo ILAAHAY idinkii ha noqoto qaran caalamka ka hela aqoonsi buuxa.”

Xigasho: WARGEYSKA DAWAN
dawannews@yahoo,com