Ilyaas Barre Shiil Oo Sheegay In Somaliland cagaheeda ku istaagtay iyadoo aan helin gacan shisheeye

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ergayga gaarka ah ee xafiiska Raysal Wasaaraha dalka Kenya Md. Ilyaas Brre Shiil, ayaa Somaliland ku ammaanay inay kaligeed xaslatay qaranimadeeda iyadoo aan gacan ka helin beesha caalamka.

Ilyaas Barre Shiil oo socdaal rasmi ah ku joogay Somaliland maalmihii la soo dhaafay wuxuu sidaasi ka sheegay xaflad casho sharaf ah oo ay xalay u sameeyeen Ururka Jileyaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Mudane Ilyaas Barre Shiil oo wuxuu sheegay in Somaliland loo qiray waxqabsigeeda waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Somaliland cidii saaxiib la ah iyo cidii kaleba waxay ku midaysan yihiin in ay dawlad guulaysatay tahay (Success Full State), oo ay waajahhday oo kaligeed istaagtay Somaliland.”

“Qof garbaha la qabtay iyo qof keligii kacaa waxa xoog badan ama sharaf leh qofka kaligiis kacay taas waxa ka dhigan Somaliland,”ayuu yidhi Ergaygu.

Waxaanu ku baaqay in Somaliland looga baahan yahay inay sii xoojiso qaranimadeeda, nabadgelyadeeda iyo wada jirkooda. Ilyaas Barre waxa uu uga mahad celiyay SONSAF marti qaadkaasi ay u fidiyeen.

Guddoomiyaha SONSAF Aadan X. Cali oo ka hadlay Xafladaasi ayaa sheegay inay Somaliland ku soo dhaweynayaan ergaygan waxaaanu uga waramay marxaladihii kala dwanaa ee ay Somaliland soo martay.

Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay siyaasiga Cabdalle xaaji Cali oo ka waramay barnaamijka horumarineed ee ku saabsan horumarinta iyo doorka horumarineed ee ay ku leeyihiin dalka ururadan dawliga aan ahayni.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfa