Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland oo ka dayriyay boobka dhulka danta guud

“Dhulkii waa la inagu saliday, dadkayagii bidaarta lahaa ayaa la leeyahay bidaarta qariya ayaan dhul la moodine”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Md Ismaaciil Muumin Aare, ayaa walaac ka muujiyay boobka dhulka danta guud iyo guryaha dawladda, waxaanu sheegay in dadka bidaarta leh oo uu isagu ka mid yahay lagula taliyo inay madaxooda qarsadaan si aan dhul loo moodin, sida uu ku soo waramay Tafaftiraha Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Wasiirka Hawlaha Guud mar uu Sabtidii ka hadlayay Kulan weftigii madaxweyne Ku xigeenka oo uu ka mid ahaa ay shir la yeesheen maamulka gobolka Gabilay.

Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu sheegay in dadkii lagu saliday dhulkii iyo guryihii danta guud isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Xagga dhulka iyo hantida qaranka sida guryaha iyo dhulka banaan ee dawladu leedahay dadka shacabka ahi way ku dhiiran yihiin, dadkeenii walaalahayoow dhulkii waa lagu toogtay oo meel kasta oo banaan waa la inagu saliday, dadkii bidaarta lahaa oo aan anigu ka mid ahay ayaa la leeyahay waar bidaarta qariya ayaan dhul la moodin oo la idinku qabsane, halkaasay gaadhay, taasina waa dhib mujtamaceena haysata, dawladnimaduna waa sharciga iyo kala danbaynta, hadaan sharci jirin dadku sida bahalka iyagaa marka danbe is cuna. markaa waxaan doonayaa madaxda gobolada iyo degmooyinka, salaadiinta, cuqaasha iyo dadka masuuliyiinta ahba in qof walba in ay dalkeenii u soo jeestaan ayaanu doonaynaa, dhulka waa in sida ugu haboon looga faa’iidaystaa, dhulkuna waa dhaxalka ubadka ubadkiisu leeyahay oo dhaxalka keliya ee aan caruurteena u haynaa waa carradda.”

“Ninbaa dhul iska seestay, ninbaa doonaya in uu dhulka halkaa ku yaala isagu soo wada xeerto, inaga iyo duu joogta, qudhaanjada, iyo wax alla waxa xayawaan ah oo dhan illaahaybaa inagu wada abuurya dhulka, markaa waxaa la doonayaa in la ilaaliyo, dhulku waa waxa keliya ee dhaxal awow aynu uga tegyano ubadkeena, marka aynu deegaamaynta iyo magaalooyinka ay noqotana waxaa la doonayaa dhulka in sida ugu fiican looga faa’iidaysto, magaalada quruxdeeda iyo bilicdeeduna waa jidadka loo samaynayo magaalada marba sida loo ilaaliyo,”ayuu yidhi Md. Ismaaciil Muumin Aar.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay dhismaha wadada isku xidha Kala Baydh iyo wajaale oo ay xukuumaddu balan qaaday dhismaheeda waxaanu yidhi “Wadada Wajaale waa tii madaxwaynuha halkan aanu anagu ugu nimid oo waxay ka mid ahayd wixii ugu weynaa ee aanu ka wada hadalnay ayay wadadaasi Wajaale ka mid ahayd, wadooyinkuna wax weyn bay ka yihiin dalka, wadooyinkuna way kala qaybsan yihiin wadooyinka muhiimka ah ee waawayn ee gobolada iyo degmooyinka isku xidhaa ayaana ugu muhiimsan, xagga dhaqaalaha marka laga eego dhaqaalaha ku baxaa had iyo jeer wuu badan yahay, sidaas darteed waxaa had iyo jeer inaga caawiya Ha’yadaha caalamiga ah iyo dalalka dibada, sida EU-da iyo World Bank hay’adaha noocaas ah ayaa inaga caawiya.” “Wadadaa Wajaale waa mid muhiim ah, wajaalena waxay ku jirtaa dekadaha qalalan waayo waa dekad qalalan Wajaale oo ma ah sida taa Berbera ee ay baddu garaacayso, muhiimada ay dalka ugu jirtaana wax soo saarka ka sekow waxaa weeyi meel aad qiime wayn inoogu fadhida, qiimayntiina madaxwaynaha iyo madaxwayne kux igeenkaba waanu u gudbinay, intaa yar ee aad la rafanaysaan ee 4km ah waa cududii gobolka gabiley oo dhan, markaa maxaad u malaynasyaan wadadaa Berbera iyo Wajaale u dhaxaysa marka la isku geeyo dhawr iyo afartan milyan ayay noqonaysaa,”ayuu yidhi Md. Ismaaciil Muumin Aar, waxaanu intaasi ku daray “Wajaale iyo Kalabaydhna dhawr iyo labaatan milyan ayay noqonaysaa inta kalena labaatan milyan ayay noqonaysaa, intaa yar ayaa nuskeed ah. Sidaas daraadeed baahideena iyo waxa aan u baahan nahay iyo halka aynu had iyo jeer joogno way kala badan yihiin, markaa waxa weeyi waanu dadaalaynaa, baahideenuna way badan tahay, waxaan haysanaana wuu yaryahay, markaa samir baa loo baahan yahay, waxaan u malaynayaa wadadaasi in sanadkan la bilaabi doono xag ALLE ka keenaba waanu ku rejo waynahay, sidaas ayaan idiin sheegayaa.”

Xigasho Wargeyska DAWAN
Dawannews@yahoo.com