Urur –Siyaasadeedyadda Aan u Maro Caqli Iyo Caddaalad

Waxaa in dhoweyd si habsamiya uga soconaya Jamhuuriyadda Somaliland Urur siyaasadeedyo cusub oo muwaadiniinta reer Somaliland ku dhawaaqayaan si ay uga qayb qaataan Siyaasadda iyo loolanka hogaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo qof weliba xaq u leeyahay doorkeedda iyo siddii uu u hanan lahaa buuxinta booskaasi cilmi, caqli, cadaalad iyo qofnimaba markuu buuxiyo shuruudaha ku xidhan ee asaasigaa dhamaantood.

Hadaba qiimeynta iyo u kuurgelidda shacabka reer Somaliland ee Ururadda ilaa iminka lagu dhawaaqay ayaa bixinaya aragtiyo kala duwan iyo qiimayn badan oo shacabka reer Somaliland ay siyaaba kala duwan u cabirayaan aragtiyaha ay ka qabaan dadka iyo shaqsiyaadka ku haboobey Urur Siyaasadeedyadaasi kala duwan ee saxadda Siyaasadda Somaliland ku soo biiray. Horta waa wax wanaagsan oo loo baahanyahay in la soo dhoweeyo dadaalka iyo doorka Urur Siyaasadeedyadan kala duwan iyo kaalinta ay kaga jiraan mushtamaca Somaliland oo noqonaysa mid midha dhala oo ummaddu si weyn u soo dhoweyso iyo mid maxaa hawl la taransaday keliyaata noqonaysa iyo laab la kac iyo hami beenna oo aan ummadda waxba u soo waddin ama aan ku salaysnayn cilmi iyo fikir qoto dheer oo aad looga soo shaqeeyey.

Aniga oo aan cidna si toosa farta ugu fiiqayn ama aan u maagayn ayaan waxaan doonayaa in aan iftiimiyo ama nalka si fiican ugu shido asbaabaha iyo nidaamka looga baahanyahay in uu Urursiyaasadeed la yimaado iyo arimaha keeni kara suuragalka Ururka iyo jiritaankiisa mustaqbalkiisa fog iyo hanashadiisa Xisbi Qaran Mustaqbalka. Waxaa loo baahanyahay in ummaddu ay aad uga fekerto abuurista iyo agabka loo baahanyahay marka Urur Siyaasaddeed cusub la abuuraayo si uu si toosa uga qayb qaato hanaanka iyo geedi socodka Siyaasadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo hab wax wadda lahaansho iyo lexejeclo ku dheehantahay oo faraqa iyo kala duwanaanshahu noqon karo tayo, tamar iyo weliba tabaha wanaagga iyo horumarineed ee dal iyo dad oo ah midda ugu mahiimsan ee sifaheedda ay tahay in laga dheehdo qolyahan saxaafadda iyo warbaahinta kala duwan is keenay ee Ururo Siyaasadeedayadda ku dhawaaqay.

Waxaa hubaala oo biyo kama dhibcaana in Urur Siyaasadeed aan loo mari Karin hab cadho, xin iyo xaasid ku dhisan oo salka ku haysa burbur iyo xifaaltan hoose oo cid lagu waxyeelaynaayo ama cid lagu suuldaaraayo geedi socodka hawlahiisa iyo doorkiisa siyaasigaa oo uu xaq u leeyahay mar kasta qofka aadamahii, si uu u gaadho hadafka iyo ujeedooyinkiisa siyaasigaa sidda adiguba aad ugu feydantahay inaad ka midha dhaliso hadafkaaga Siyaasigaa iyo siddii aad u gaadhi lahayd.

Urur Siyaasadeed waxa uu ku fiicanyahay sideedaba aqoonyahan iyo waxgarad isgurtay oo ka soo kala jeedda dhamaan deegaanadda iyo Goboladda Somaliland si ay u sahlannaato suuragalnimadda iyo gaadhidda hadafka siyaasigaa ee lagu mideysanyahay si looga helo taageeradda iyo kalsoonidda looga baahanyahay deegaanadda iyo Goboladda Somaliland ka koobantahay oo Ururku uu noqdo mid dheelitiran oo si fiican ugu shaxaysanyahiin aqoonyahanka iyo waxgaradka ummaddu raalidda ka tahay ee kalsoonidda iyo taageeradda ummaddu ay geed ka go,antahay markasta. Shaxda Siyaasiyiinta iyo aqoonyahnka Urur Siyaasadeedka ayaa noqon kara qolyo u qaybsan deegaanadda dalka oo ugu yaraan Gobolkiiba ay 10 aqoonyahan ama Siyaasi oo miisan culusi meesha ka marayaan, si looga midha dhaliyo hadafka dhabtaa oo ay guulo wax ku oola uga gaadhaan deegaanadaasi Bari iyo Galbeed iyo meel kasta oo shacabku deganyahay.

Hadaba doorkeenna Urureed yaanu noqon mid hoosta ka qalaalan oo sifo saxa oo aad loga baaraan degey oo cilmi iyo aqoon weyn aan loo marin abuuridda iyo ku dhawaaqiddiisa. Ummaddu waxay si weyn u lafa gurayaan heerka iyo hanaanka Ururka iyo shaqsiyaadka ku midoobey nooca,deegaanka iyo tayadoodda dhabtaa iyo inay ummadda ka saari karaan wakhtiga adag iyo hawlaha Qaranka ee wax ka qabashadda u baahan. Maanta waxaa jira Siyaasiyiin aad u tiro badan oo hankooddii Siyaasigaa dib u liqay, markii ay arkeen doorka iyo sidda ay u socdaan Ururadda lagaga dhawaaqayo Somaliland oo qorkood ay laf dhuungashay ku noqonayaan Siyaasiyiin caana oo ummaddu ay u soo joogsan karto.

Hadaba waxaa looga baahanyahay in muwaadiniinta reer Somaliland furashadda Ururadu ka noqon xiise iyo ha lay barto iyo inay hadhow cid ku biiraan siddii Ururadii yaryaraa ee Ilays oo kale oo shaqsiyaadkii watey ay ku biireen Ururaddii Siyaasadeed ee wakhtigaasi ugu firfircoonaa ama ugu awoodda badnaa, hadaba waxaa loo baahanyahay in hawlaha Ururadda Siyaasadda loo maro hab qaangaadho oo dalka iyo dadka wax ku soo kordhinaaya ee aan caqabad iyo dhibaatooyin horleh aanay abuurin.

Sideedaba Siyaasaddu waa iicug iyo in la miidho ama la gurto shaqsiyaadka qiimaha badan ee ummadda dhexdeedda karaamadda iyo sharafka ku leh. Sheekaddu maha Wasiir, Xildhibaan iyo Golaha deegaanka ayuu ahaan jirey ee waa xisaab iyo xeelad laysku jimcinaayo oo haybadeedu tahay hebel maxuu keeni karaa? iyo maxuu Ururkan ku soo biirin karaa? Waxaa jira dhinaca kale, shaqsiyaad fardo lagaga cararo oo ku biiridda Urur Siyaasadeedku ay keeni karto burbur Siyaasiya iyo in shacabku ka dido, dee dadku haddii uu didana wey adagtahay siddii loo soo joojin lahaa. Markaa waxaan leeyahay Siyaasiyan si qoto dheer oo cilmiyeysan waa in looga fekeraa Urur Siyaasadeedyadda maanta Somaliland saxadeedda Siyaasadda sidda daran doorigaa ugu soo hoobanaya oo qiimeyntoodda iyo miisaankoodda intaba ummaddu ay aad ula socoto, isla markaasina shacabka reer Somaliland ay yahiin cidda keliyaata ee go,aaminaysa sadexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriyadu u baahantahay mustaqbalka. Qormadaydu siyaasiyan cidna ma durayso laakiin waxay hoga tusaalayn iyo ilays u tahay kuwa aan fahansanayn asbaabaha looga baahanyahay Urur Siyaasadeed oo u baahan agab iyo aqoon iyo weliba dad tayadoodu fiicantahay oo shacabka reer Somaliland aad ula dhacsanyahay doorkoodda siyaasigaa iyo hawlahoodda Ururnimo, hadaba iska dhex eeg ayaan ku leeyahay tayooyinkan inta aan garoonka Siyaasadda laysla gaadhin!!!!!!.

Cabdilaahi Cali Xassan
Liverpool
UK