Taageereyaashii u badnaa oo Boorame Ugu soo baxay Ururka WADANI Oo Xarun gobol ka furtay

“Ururka WADANI iyo reer Boorame waxay wadaagaan qunyar socodka iyo wadaniyadda”

Boorame (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis ay ururkaasi ka furtay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, kaasi oo noqonaya kii labaad ee ururkaasi ka furto gobolada dalka.

Gudoomiyaha ururka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa magaalada Boorame ku soo dhaweeyay boqolaal qof oo ka mid ah taageereyaasha ururkan, waxaana lagu qaabilay ciyaaraha hidaha iyo dhaqnka, sida ii xaqiijiyay Weriye Cabdalle Cali Yuusuf oo ah suxufi degan Magaalada Boorame.

Furitaankii xafiiska ururkaasi ee gobolka Awdal waxa ka hadlay Axmed Muumin Seed, oo ka mid ah siyaasiyiinta ku jira ururkaasi ee ka soo jeeda gobolka, waxaanu dadweynaha reer Boorame uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga uu ka midka yahay ee Hoggaanka sare ee WADANI.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa sheegay in magaalada Boorame ay ururkiisa u leedahay ahmiyad balaadhan waxaanu ku dooday in ururkan iyo reer Boorame ay iska shabahaan wadaniyada iyo qunyar socodka, isagoo arrintaasi ka hadlayay wuxuu yidhi “Wadani iyo Boorame waxa ay wadaagaan qunyar socodnimo iyo wadaniyad oo ah astaamo muhiim ah, Boorame waa meeshii lagu dhisay Somaliland waana hoyga aqoonta iyo warshada soo saarta Aqoonyahanka ugu badan ee dalka ahmiyad gaar ah ayaanay u leedahay urur siyaasadeedkan cusub ee WADANI in uu yimaado Boorame.”

Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu ka hadlay afkaarta ururkaasi hiigsanayo waxaanu yidhi “ WADANI waxa uu u taagan yahay taabo-galinta afkaaro wada tashi ah oo dhex mara ummada, waxa uu u taagan yahay Ururka WADANI hagida hanka iyo rumaynta hiigsiga dhalinyarada, waxa uu u taagan yahay Ururka WADANI hirgalinta himilooyinka umada Somaliland, waxa uu u taagan yahay Ururka WADANI. Rumaynta riyada muwaadinka Somaliland ee ah inayno helo ICtiraaf Caalami ah, Shaqo ku filan dhalinta. ururka WADANI waxa uu ka shaqayn doonaa taabo galinta tallo wadaag, sinaan dulqaad iyo wado noolaashaha Bulshada, ururka wadani waxa uu ku shaqayn doonaa siyaasad ku salaysan wada shaqaynta inta siyaasada ka hawlgasha markaa si loo helo arrintaasi waa in aan dhamaanteen noqonaa WADANI.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

.