Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha dibada Talyaaniga

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibada dalka Talyaaniga Mr. SENATORE ALFREDO MANTICA iyo wefti todoba xubnood ah oo uu hoggaaminayay oo socdaal shaqo ku yimid Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weftigaasi ku qaabilay kulan socday saacad, sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) kaasi oo u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan Saacad qaatay qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Wefti 7 xubnood ka kooban oo ka socda Dawladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibada Talyaaaniga Mr. SENATORE ALFREDO MANTICA.
Weftigani Waxa ay sheegeen in ay ujeedada socdaalkoodu tahay u xogogaal noqoshada xaalada guud ee Somaliland .
Wasiirku xigeenku waxa uu madaxweynaha ku hambalyeeyey maamulka dawladnimo iyo kala danbaynta ka hanaqaaday Somaliland.
waxa kale oo uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu tahay in ay Somaliland ku wargeliyaan in ay dawladiisu si toosa ula shaqayn doonto dawlada Somaliland
Madaxweynaha Somaliland ayaa weftiga uga waramay taariikhda iyo sooyaalka Somaliland, waxaanu sheegay in ay dawladda iyo shacbiga Somaliland-ba beesha caalamka ka sugayaan aqoonsi iyo in laga gacan qabto dedaalka ay la yimaadeen reer Somaliland.
Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed iyo Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Dhinaca Weftiga waxa wasiirku xigeenka Arrimaha Debedda Mr. Senatore Alfredo Mantica kulankan ku wehelinaayey.
1. Elisabetta Belloni, Agaasimaha guud ee iskaashiga iyo horumarnta wasaaradda Qorshaynta ee dawladda Talyaaniga Rosa Anna Coniglio, Agaasimaha guud ee wasaarada Qorshaynta ee iskaashiga Afrika iyo Sub-sahariana.
2. Safiirka Dawladda talyaaniga u fadhiya Nairobi iyo Afar xubnood oo kale.”
kulankan waxa goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirrada Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com