Laba Qof oo ku dhintay Magaalada Burco markii Nin ku weeraray Mindi

Hargeysa (Somaliland.Org)- Laba qof ayaa ku geeriyooday,Sadex kalena waxa ka soo gaadhay dhaawac kadib markii saaka nin ku hubaysan Mindi Af badan uu weerar ku qaaday saldhiga booliska ee Faarax Oomar ee magaalada Burco .

Ciidanka Booliska ee saldhigaasi waxa dhacdadaasi kaga dhintay hal askari, waxa kale oo ku dhimatay gabadh iyadoo laba qof oo kale oo shacab ahna dhaawac ka soo gaadhay falkaasi.

Waxa ninkaasi uu weerarkiisa ku bartilmaameedsaday askari gaadh ahaa oo ka tirsan ciidanka booliska ee Saldhigaasi oo uu ka qaaday qorigii uu gaadhka ku hayay isla markaana uu tacshiirad rasaas ah huwiyay koox askar ah oo xiligaasi huruday saldhiga dhexdiisa.
Taliyaha qaybta booliska ee gobolka togdheer Saleebaan Ducaale Ubaxle (Dhego cade) oo saxaafada uga waramayay qaabka ay dhacdaddani u dhacday ayaa sheegay in ninkan uu ku guulaystay inuu gacanta u galo qori uu lahaa mid ka mid ah askarta waardiyaha ka ahayd saldhigaas halkaas oo uu ku dhintay mid ka mid ah askarta kuna dhaawacmeen labo kale .
Ninkan falka gaystay ayaa ka soo jeeda gobolada dhexe ee Somalia iyadoo ilaa iyo haatan aan la xaqiijin sababta ku dhalisya arrintan.
Waxa kale oo Taliyaha qeybta Boolisku uu sheegay in ninkan laftigiisu uu ku dhaawacmay tacshiiradihii Boolisku ku rideen, waxaanu tilmaamay in lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaalada Burco.
Taliyuhu waxa uu intaasi ku daray inay ku hawlan yihiin baadhista kiiskan oo uu ku tilmaamay mid ugub ku ah magaalada Burco.
Talaabadan ayaa fool xumo ku ah ciidanka Booliska Burco, waxaanay dadweynaha magaaladaasi aad ula yaabeen dhacdadan oo ay ku tilmaameen mid fajiciso ah.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

.