Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Ka hadlay Daraasado ay ku naaqisheen Garsooreyaasha Maxkamadaha dalka

“Kuwa wax laga xukumay ee qanci waayay ayaa fursad u hela inay wax u sheegaan madaxda qaranka sida Xildhibaano, Wasiiro ”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Maxkamada sare Somaliland Md. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa sheegay inay soo gabogabeeyeen hawl baadhis iyo naaqishaad iskugu jirtay oo ay Guddida Cadaaladdu ku samayeen garsooreyaasha maxkamadaha dalka oo ay ku darsayeen aqoontooda shaqo, waayo aragnimadooda, xilgudashadooda iyo anshaxoodaba.

Guddoomiyuhu wuxuu maanta sidaasi ka sheegay shir Guddida cadaalada uga socday xafiiskiisa.
Guddoomiyaha oo u waramayay TV-ga qaranka iyo shabakada wararka ee Somaliland.Org waxa uu ka hadlay qorshahooda la xidhiidha dib u habaynta Garsoorka dalka, waxaanu yidhi “Halkani waa xafiiskii Guddoomiyaha Maxkamada Sare waxa ku kulansan Gudidii Cadaaladda ee Garsoorka Somaliland waxaana aanu ugu shirsan nahay in muddo ahba hawl noo socotay oo maanta noo soo gabogaboobaysa hawshaasi oo ah sidii aanu xog ogaal ugu noqon lahayn waxna uga ogaan lahayn Garsooreyaasha ka hawl gala Maxkamadaha wadanka oo heerar kala duwan leh, sida maxkamadaha degmooyinka, gobolada iyo racfaanka dalka oo dhan. Waxaanu baadhaynay taariikhdooda, heerkooda waxbarasho iyo waayo argnimadooda ayay Guddida cadaaladu beryahanba darsaysay, waxaana aanu u soo faaqidnay Gobol gobol maanta gobolkan ugu dambeeya ee aanu gacanta ku haynaa waa gobolka Sanaag.”

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland waxa uu sheegay inaanu xafiiska ugu iman wax xog ah oo ku saabsan macluumaadka garsooreyaasha ka hawl gala dalka.
“May jirin wax macluumaad ah iyo fayl u furnaa garsoore kasta oo lagu kaydin jirtay anshixiisa, shaqadiisa iyo aqoontiisaba, sidoo kale may jirin xafiis guddida cadaaladu leedahay oo shaqeynayay oo dadweynuhu ay cabashadooda la xidhiidha dhinaca garsoorka u soo marin karaan,”ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali waxaanu tilmaamay in hawshan ay gacanta ku hayaan ay qeyb ka tahay nidaam cusub oo lagu toosinayo galdaloolooyinkii garsoorka ka jiray.

“Garsoorka waxaynu uga baahan nahay aqoon waxaana looga baahan yahay in dadkii ku haboonaa ay ka shaqeeyaan waxa kale oo loogu sii kala baahan yahay maxkamaduhu way kala sareeyaane’ in sida ay u kala aqoon iyo waayo aragnimo badan yihiin loo kala dalacsiiyo, arrintani waxay sal u tahay isbedelka ay xukuumaddu naga filayso guddi cadaalad ahaan inaanu dhawaan ka samayno garsoorka dalka. Waxa kale oo aanu darsanayaa qeybta uu garsooruhu soo bartay tusaale ahaan kii soo bartay shareecada islaamka, kii sharciga soo bartay iyo ka aqoonba u lahayn,”ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada sare.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay natiijada uga soo baxday Daraasadan wuxuu yidhi “Waxa baadhistan nooga soo baxaya oo runtii noo muuqday intan aanu dhex galay in Garsoorka dalku iskugu jiro dad kala duwan oo ay ka mid yihiin qaar bartay shareecadda islaamka, qaar sharciga bartay, waxa kale oo jira kaaliyeyaal khibrad badan yeeshay oo iyagoo marka horeba aqoontoodu dugsi sare ahayd haddana soo shaqaynayay illaa sideetameeyadii oo aqoon ka helay garsoorkii ay ku tabobarteen kuwaasi oo ah kuwa ugu hufan ee aan anigu ugu aaminka badan nahay.”
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray inay dejinayaan sidii loo fulin lahaa xeerka nidaamka garsoorka oo ah ka kala saaraya awoodaha shaqo ee maxkamadaha iyo dacwadahaba.

“Xiligii xukuumaddii Rayaale bilowga ahayd waxa dhacday in garsoorka si aan hab wanaagsan oo dastuuriya ahayn loo dhex galay waxaana dhacday in la dhoobo qaado oo labeentii garsoorku dibada u baxday iyadoo aan waxba la weydiin, raggii maanta badh way dhinteen, qaarna way gaboobeen waxaad aaminsan nahay inta ka sii nool waa loo baahan yahay baan aaminsan nahay in loo baahan yahay. Xilalkii ay baneeyeen raggii la eryay waxa buuxiyay dad aan aqoon sharci lahayn oo aan waayo arag lahayn. Waxaana hawshii garsoorka intii ugu badnayd galay Booliska,”ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil.
Gudoomiyaha Maxkamada sare waxa uu tilmaamay inay dhawaan Maxkamadaha ku soo rogi doonaan inaan qof ka dacwoonaya la weydiiyo aqoonsi la xidhiidha si loo hubiyo inuu sheeganayo magaciisii asalka ahaa iyo in kale.

Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu sheegay in madaxda iyo dadka qanci waayay ee maxkamaduhu wax ka xukumaan ay madaxda qaranka wax u sheegaan isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa inta badan loo dheg raariciyaa oo aan ogsoonahay kuwa maxkamaduhu wax ka xukumeen ee qanci waayay ayaa madaxda qaranka inay wax u sheegaan fursad badan u hela Xildhibaano, Wasiiro iyo madax dhaqameed, kuwaasi ayaa xataa inay jaraa’idka wax ku qoraan fursad u hela. Dad badan oo wanaagsan oo dulmi ku dhacay waxba ma soo qoraan.Garsooreyaashu waa bashar oo way khaldami karaan haddii markhaatiyaasha iyo dhinacyada ay khusaysaa ka been sheegaan kiiska.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com