Guddida Qandaraasyada Qaranka oo ku dhawaaqay Naadinta Iibka dhismaha xarunta Wasaarada Duulista

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Guddida qandaraasyada qaranka Aadan Saleebaan Nugaal, ayaa maanta si cad ugu dhawaaqay in la naadinayo iibka dhismaha xarunta wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka oo ku yaala meel faras-magaale ah, waxaana la sheegay in wasaaradaasi ay xarun ka yagleelan doonto agagaarka madaarka Hargeysa.

Guddoomiyaha Guddida qandaraasyada qaranku waxa uu sheegay in qandaraaska iibka xarunta wasaarada duulistu uu noqon doono mid xalaal ah oo aan loo faasixin si mad-madow ah, waxaanu yidhi “Markaa maanta waxaan baahineynaa hantidaa laga maarmey ee wasaaradii la tusay inay meel kale u guurto in ummada loo bandhigo oo waliba si xalaala oo mad-madow aanu ku jirin loogu bandhigo, waqti badana waanu siinay oo wuxuu qandaraaska iibka xaruntaasi socon doonaa shan iyo toban maalmood si qofkii doonayaa uga baaran dago.”

Aadan Saleebaan Nugaal wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u waramay saxaafadda waxaanu yidhi “Anagu waanu fulinaynaa amarka madaxweynaha, cid wax iska iibin kartaa ma jirto, Qodobka 12aad Distuurka Somaliland farqadiisa kowaad ayaa odhanaysa dhulku waa hanta guud oo ka dhaxeeya ummada mas’uuliyadiisana dowlada ayaa leh markaa qodobkaas ayaa lagu fadhiisiyay, farqadiisa sadexaadna waxa uu odhanayaa Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato gacantana ku hayso hantida ma guurtada ah ama guurtada ah ee ummadu leedahay.”

Guddoomiyaha Guddida qandaraasyada qaranku waxa uu sheegay in
Dhismahan la iibinayo ee wasaarada duulista la dhisay xili aad u fog xiligaasi oo ay dhisatay diyaaradii Somali Airline.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

.