Urur siyaasadeedka WADANI Oo xafiiskoodii u horeeyay ee gobolada ka furtay Gabiley

“Waxaanu  idiin wadnaa ururkii uu Axmed sanjab idiin keenay toban sano ka hor oo magacii laga bedelay”

Gabiley (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani Md. Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta magaalada Gabilay ka furtay xafiiskii u horeeyay ee urur siyaasadeedkaasi ka furto gobolada dalka.

 

<object width=”400″ height=”300″> <param name=”flashvars” value=”offsite=true&lang=en-us&page_show_url=%2Fphotos%2F24945908%40N02%2Fsets%2F72157627859278725%2Fshow%2F&page_show_back_url=%2Fphotos%2F24945908%40N02%2Fsets%2F72157627859278725%2F&set_id=72157627859278725&jump_to=”></param> <param name=”movie” value=”http://www.flickr.com/apps/slideshow/show.swf?v=109615″></param> <param name=”allowFullScreen” value=”true”></param><embed type=”application/x-shockwave-flash” src=”http://www.flickr.com/apps/slideshow/show.swf?v=109615″ allowFullScreen=”true” flashvars=”offsite=true&lang=en-us&page_show_url=%2Fphotos%2F24945908%40N02%2Fsets%2F72157627859278725%2Fshow%2F&page_show_back_url=%2Fphotos%2F24945908%40N02%2Fsets%2F72157627859278725%2F&set_id=72157627859278725&jump_to=” width=”400″ height=”300″></embed></object>

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Wadani Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadal u jeediyay taageerayaashooda wuxuu yidhi  “Waxaan xasuustaa toban sanadood ka hor mar aanu nimid magaaladan Gabilay,  anaga oo xisbi furayna oo uu na hoggaaminayey ALLE ah u naxariistee Axmed Muuse Geeddi (Sanjab),  waa xisbigii Sanjab waday oo aanu magacii ka bedelnay oo aanu toban sano ka dib idiin keenay.u jeedada ururkani loo aasaasay waxa weeye ka dib markii la ogolaaday in la furo ururada siyaasada tobankii sanadoodba mar laguna ansixiyey xeer qaran oo ay Golayaasha sharci dajinta anixyeen Madaxweynuhuna saxeexay.”

“Xeerarka cid gaaar ah looma sameeyo waxa loo sameeyaa dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland ah, haddii ay Golayaasha qaranka ku jiraan iyo haddii kaleba, sadexda xisbi qaran ee jiraa ururada markaa wey la tartamayaan sida xeerku tilaamayo dhamaan Xildhibaanada Golayaasha deegaanada oo ku dhow afar boqol oo Mudane   iyo xildhibaanada Golaha Wakiiladu waxay xaq u leeyihiin inay ka tartamaan  Asxaabtii ay ku jiri jireen ama ay urur cusub samaystaan ama ay mid kale ku biiraan.”

Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu sadexda xisbi qaran u soo jeediyay inay  u soo diyaar garoobaan tartanka doorashada oo aanay ka kayr-kayrin waxaanu yidhi “Waxa baryanahan dambe Saxaafada ku soo badanayey qaylo ka soo yeedhaysay asxaabta qaar ka mida, waxanaan leeyahay qolooyinkaas ka tirsan Axtaabta qaranka naftiina aamina oo tartanka u soo diyaar garooba, laysma gaadhin durba baqdinta iska daaya.”

Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray “Mudanaha Golaha Wakiilada waxa lagu soo doortay cod toos ah, tusaale haddii aynu u soo qaadano reer Gabiley ma Xildhibaan Tukaale ayay doorteen mise UCID. Xisbi kastaa wuxuu ku faanayay tirada mudane ee u soo baxa laakiin Xisbiyada waxa sharafta u keenay inta mudane ee codkoodka ay heleen ku soo baxay.”

“Baryanahan dambe waxa waxaa saxaafada soo maqlayseen  dad badan oo hanjabaya oo  leh haddii waxaas la samayn waayo waxaas ayaanu samanayn doonaa, dhammaan waxa inagu waajiba in aynu amniga wada ilaalino, sidoo kale waxaaanu 24-kii bishan dhalinayrada ka jarnay dabarkii Siyaasada,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxa  kale oo madashaasi ka hadlay Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa sheegay inay ahmiyad weyn siinayaan gobolkaasi waxaanu yidhi  “Ujeedada aanu ugu soo horaynay Gobolka Gabiley waa ixtiraan iyo qadarin aanu u hayno, taas oo Gudoomiye Cirro ku talliyay inaanu Gabiley ugu horayno oo uu noqdo Gobolkii ugu horeeyay ee calanka Ururka laga taago, waxaan ku hambalyaynayaa horumarka ay gaadheen.”

Sidoo kale waxa isaguna xafladaas ka hadlay Muuse Xaaji Maxamed Guuleed (Muuse Inji) oo ka mid ah masuuliyiinta Ururka Waddani,  waxana uu sheegay inay dad weynaha reer Gabiley aad u soo dhawanayaan Ururka waddani isla marnaana ay taageero hiil iyo hiiba ah la garab taagan yihiin.

Caaqil  Maxmed Cabdi Qawdhan oo ka mida Madax dhaqameedka Gobolka Gabiley ayaa waxa uu sheegay inay urur siyaasdeedka Waddani iyo Gudoomiye Cabdiramaan Cirro ay ku soo dhaweynayaan Gobolka Gabiley.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadla Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid, Oday Muuse Jaamac Garas, oo iyaganu sheegay inay ka madaxdhaqeed ahaa soo dhaweynayaa Ururka WADANI.

Weftigan C/Raxmaan Cirro waxa ku soo dhaweeyay magaalada Gabilay kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan magaaladaasi waxaanu gudoomiyuhu magaalada dhex lugaynayeen masaafo aad u dheer.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com